Muqdisho (AX) — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ayaa hawlgal qorsheysan oo cir iyo dhul ah ku dilay 61 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabab, kuwaas oo ay ku jiraan afar horjooge, halka ay ku dhaawaceen 24 kale meel u dhow deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka amniga ah.
Xogta laga helay saraakiisha ayaa tilmaamaysa in howlgalladan oo socday maalmihii u dambeeyay lagu beegsaday difaacyada al-Shabab ee ku teedsan marinka Leego, iyadoo lagu burburiyay dhowr saldhig oo ay kooxdu lahayd, taasi oo ku qasabtay dableyda inay ka cararaan deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen.
Dagaallamayaashii ka badbaaday weerarrada ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa la xaqiijiyay inay lug kaga baxsadeen dhanka deegaannada Buur, Ceel Bashiir, Bisaq Cade iyo Dalan Doole.
Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya ay ku guuleysteen inay sarafaan miinooyin lagu aasay waddooyinka aagga howlgalku ka dhacay, si meesha looga saaro halista soo wajihi karta dadka shacabka ah iyo kolonyada ciidanka.
Ilo-wareedyadu waxay howlgalkan ku tilmaameen jug culus oo lagu dhuftay awooddii al-Shabab ku lahayd gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo caddeeyay inaysan jirin wax khasaare ah oo dadka rayidka ah kasoo gaaray mudadii uu howlgalku socday.
Haddana, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca ee la sheegay iyo xaqiiqada ah inaan waxyeello gaarin shacabka.
Saraakiisha amnigu ma aysan carabaabin magacyada afarta horjooge ee la dilay, sidoo kalena ma sheegin haddii ay jiraan khasaare soo gaaray ciidamada Soomaaliya ama kuwa Mareykanka intii uu howlgalku socday.
Dhaqdhaqaaqyadan ugu dambeeyay ayaa qeyb ka ah gulufka joogtada ah ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula jiraan al-Shabab ee ku teedsan marinka xiriiriya Leego iyo Buurhakaba, halkaas oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo culus.
Aaggan ayaa wajahayay colaado xooggan tan iyo bishii Oktoobar, kuwaas oo sababay khasaare lixaad leh oo soo gaaray labada dhinac ee ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha al-Shabab.
Dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda sii wadda taageerada milateri ee ay siiso Soomaaliya iyada oo fulinaysa howlgallo wadajir ah oo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan weerarrada xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsado fariisimaha al-Shabab.
Taariikhdu markay ahayd Nov. 19, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu duqeymo ka dhan ah al-Shabab ka fuliyay meelo u dhow Leego, Yora Lafagari iyo Jamaame oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya intii u dhaxaysay Nov. 13 iyo 15.
AFRICOM faahfaahin kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradaas cirka ah, lamana xaqiijin inay si toos ah ugu xirnaayeen howlgalladan ugu dambeeyay ee la soo wariyay.
Kooxda al-Shabab oo xiriir la leh al-Qaeda ayaa ku dhowaad labaatan sano dagaal kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna wali waddaa weerarro ka dhan ah xarumaha ciidamada, goobaha dowladda iyo dadka rayidka ah.
Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa labanlaabay gulufka milateri ee ay ku hayaan kooxdaan, xilli dalka Soomaaliya uu isu diyaarinayo inuu si buuxda amniga ugala wareego ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.