Browsing Tag

sheegay

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in Maxkamaddu ka jirto xaalad garsooreyaal la’aan ah

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa shaaca ka qaaday in sanadkaan 2024 Maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu tirada badnaa, islamarkaana Maxkamaddu ay wajaheyso xaalad garsooreyaal la'aan ah. Wuxuu tilmaamay in kiisaska tirada badan ee Maxkamaddu qabato iyo garsoorayaasha ay heli karaan ineysan aheyn kuwa isku dhgma, taasina ay sababto in marar badan dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loogu talo galay qaadista dacwada. Guddoomiye Saalax Cali Dabaan…

Hogaamiye Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya. Hogaamiyaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo. "MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la…

Taliska Booliska Boosaaso ayaa sheegay inay soo saareen Miino dhulka lagu aasay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen soo saarida miino lagu aasay mid kamid ah wadooyinka magaalada. Ciidankan oo helay xog ku saabsan miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay sameeyeen howl gal daqiiqado qaatay ugu dambeyntiina waxa ay ka soo saareen bambkii, sida uu sheegay Taliska Booliska Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa dhankiisa sheegay in Qaraxyada Al-Shabaab iyo Daacish la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More