Browsing Tag

Ciidamada

Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay nin Maanta Xaaskiisii hore ku dilay Muqdisho

 Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay ugu soo dhashay sadax wiil, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu maanta u geystay ninkeedii hore.War qoraal ah oo…

Ciidamada dowladda oo Kooxda Al-shabaab oo ka saaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay

Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.Deegaanada howlgalka looga saaray kooxda Al-shabaab waxaa ka mid ah Obaale, Damasha shabelow, Calaag iyo Mansuur oo ah dhamaantood deegaano jiinka wabiga Shabeelle ka saaran dhanka Bari oo isugu jira dhul beeraley iyo howd ah.Taliyaha Ururka 281-aad guutada 28-aad ee  Abuu cubeyda ee Ciidanka Xoogga…

Ciidamada Kenya oo lix kamid ah kooxda Alshabaab ku dilay magaalada Kumba ee gobolka Lamu

Ciidamada Kenya oo lix kamid ah kooxda Alshabaab ku dilay magaalada Kumba ee gobolka Lamu  Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Ugu yaraan lix qof oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ciidamada ammaanka Kenya ay ku qaadeen deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.Booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale la wareegeen sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab.Goobta uu weerarka gaadmada ah ka dhacay ayaa ahayd dhulka Keymaha ah ee Boni, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaabku xilli ay qorsheynayeen…

Amniga xeryaha ciidamada Uganda oo aad loo adkeeyay ku dhawaad sanad kadib weerarkii Buulomareer

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - Amniga Xeryaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaad aad loo adkeeyay, iyadoo ay dhow dahay sannad guuradii koowaad ee weerarkii Buulomareer ee lagu dilay 54 kamid ah ciidanka Uganda.Weerkaas ayaa sababay in ciidamada Uganda ay weli maskaxda ku hayaan digniin kasta oo ay helaan taliyeyaashooda inay si degdeg ah uga jawaabaan.Labo kamid ah saraakiishii ugu sarraysay xerada ciidanka Buulomareer ayay Uganda ka eriday shaqada, ka dib markii lagu eedeeyay inay iska indho tireen xogo la helay oo…

Sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida

Korneel Cumar C / raxmaan oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo labo askari oo la socotay ayaa ku dhaawacmay mid kalena wuxuu ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka xerada Afisiyooni ee Degmada Waaberi. Saraakiisha amaanka ayaa Axadle u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aaso ama miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago lala eegtay masuuliyiin kala duwan. Sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw midowga musharixiinta, Korneel Cumar C / raxmaan ayaa ka caawinayay qaar kamid ah…

Deni ayaa iska soo horeeysiyey ciidamada aad uu hubeysan

Hogaamiyaha Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Safarka Deni oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Puntland ayaa ah ka qeyb galka wadahadalo xal loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka. Dhiggiisa Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa asbuucii lasoo dhaafay ka dagay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo hordhac ah la qaatay musharixiinta, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo diblomaasiyiinta. Labada…

Ciidamada amaanka DFS ayaa saakay intooda badan gacanta ku dhigay

Ciidamada amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray Wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoysyada ay fariistaan, maadaama wadooyinka xaafadaha dhexmara mar hore lagu xiray dhagxaan. Isgoyska qaybo ka mid ah Wadooyinka Warshadaha & Soddonka ayaa laga mamnuucay inay maraan gaadiidka, iyadoo biro, taayirro & dhagxaan la dhigayo bartamaha isgoysyada, sidoo kalena ay ka gudbayaan Wadada & Maka Al-Mukarama. Sababta lama shaacin, warar kale oo ay heshay Axadle ayaa sheegaya in degmooyinka kale ee…

Ciidamado ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay magaalada Marka

Magaalada Marka waxaa xalay fiidkii ku dagaalamay Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gacanta ku haya sugidda ammaanka Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.. Iska hor imaadka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii dadka magaalada Marka sida ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Axadle, iyadoo markii dambe ay halkaasi isaga baxeen saraakiil ka tirsan ciidamada DFS. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dagaalka, ilo wareedyo ayaa Axadle u xaqiijinaya in askarta ay isku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More