Browsing Tag

Soomaaliya

Tayo Dhisidda iyo Xallinta Duruufaha Waxbarashada Soomaaliya

This text highlights the challenges facing education in Somalia and seeks a sustainable solution to enhance its quality. The proposed solutions are part of recommendations featured in an upcoming book titled “Macallinkeen Allow Kaal” focusing on educational matters. As everybody is aware, Somali education is vulnerable to political conflicts, economic strain, and instability within the society. Despite efforts to maintain schooling post-civil collapse, numerous challenges persist, potentially hindering the youth's access to…

Xil Ciid: Villa Soomaaliya ayaa ka dambeysa in xildhibaanada laga mamnuuco inay saxaafadda kula hadlaan baarlamanka

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda, isagoo ku eedeeyay in uu yahay tallaabo ay ka dambeyso Aqalka Soomaaliya. “Waxaa nasoo gaartay in baarlamaanka…

Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Qaar kamid ah Culima'awdiinka Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si adag uga hor yimaadeen damaca Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay taageeradooda xiriirka Masar ee Soomaaliya. Kulankan ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan aqbali karin, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago. Culimadu waxay si weyn u soo dhoweeyeen xiriirka Masar ee Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Masar…

Booliiska Soomaaliya oo beeniyay in Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay in Xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. War kooban oo kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaqa jug xoogan oo tiro dhowr jeer ah Xalay qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho ay maqleen inuu ahaa baco waa weyn oo la dhigay meelo kala duwan. Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay ineysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Bacaha jugtooda laga maqlay meelo…

Itoobiya: Hogamiyayaasha Soomaaliya waxay la shaqeeyaan cadowgeenna, waana iska difaacaynaa

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Xukumadda Itoobiya ayaa ku dhaleeceeysay madaxda dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan waxay ugu yeertay cadowga Itoobiya, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay inay difaacdo madax-bannaanideeda. Taliyaha ciidammada qalabka sida ee dalka Itoobiya, Field Marshal Birhanu ayaa hadalkaan ka sheegay intii lagu guda jiray dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya. Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay inay ciidamadu ugu diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo…

Jabuuti oo Itoobiya ka sugaysa inay aqbasho hannaan lagu xallin karo xiisadda Soomaaliya

 Khamiis, September, 5, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa shaaca ka qaaday mar uu ka hadlayay shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika  in madaxda Itoobiya, ay ka filayaan jawaab wanaagsan oo ku aaddan in ay aqbalaan dalab lagu xallin karo xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya.Toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti  ayaa caddeeyey in Djibouti ay doonayso inay Itoobiya 100% maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta Jabuuti.Sida ay ku warrantay Bloomberg, dalabka Jabuuti waa…

Hogaamiyaha Soomaaliya oo diiday inuu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

 Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray inuu magaalada Beijing ee Shiinaha kula kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.Wararka aanu helnay waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan madaxweynaha Jabuuti, madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ay madaxweynaha Soomaaliya usoo gudbiyeen soo…

Axmed Cali Daahir: Soomaaliya waa dhibbane

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa BBC u sheegay in maxkamadeynta ay ka bilaabmeyso magaalada Hague ee dalka Holland. Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah: R / wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Garyaqaanka Guud ee hore & wakiillo kala duwan. ka yimid Soomaaliya. Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya "Waxaan…

Soomaaliya, Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis

Siihayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C / raxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa Isniintii heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho. Heshiiska oo ah cafis amaah ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee looga cafiyey 1.4 bilyan sanadkii la soo dhaafay ee 2020. Heshiiska iyo qorshayaashiisa ayaa sidoo kale in muddo ahba lagu howlanaa sida uu sheegay wasiir C / raxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga…

Gudoomiyaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

Hogaamiyaha Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wafdiga Gudoomiyaha ayaa Garowe u yimid ka qeyb galka Madasha Dooda Machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qaban doono dalka isla markaana ka furmi doona magaalada Garowe todobaadkan. Saciid Deni, ayaa sidoo kale ku soo dhoweeyay magaalada Garoowe Guddoomiyaha…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More