Muqdisho — Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shan saldhig oo ciidan oo ku yaalla magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tallaabadaas oo qeyb ka ah geeddi-socodka ay ciidamada dowladda kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.
War-saxaafadeed ay AUSSOM soo saartay goor dambe oo ahayd Sunday ayaa lagu faahfaahiyay in xarumaha la wareejiyay ay kala yihiin saldhigyada Barawe Embresso, Barawe Knoll, Kismayo Road, Seaport iyo Runway, kuwaas oo dhammaantood ah kuwo si buuxda u howlgala.
Howlgalka ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar la taaban karo oo laga gaaray hannaanka kala-guurka amniga Soomaaliya, xilli ciidamada qalabka sida ay dusha u ridanayaan xilka ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee ay horey u difaaci jireen ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.
Taliska qeybaha ee AUSSOM ayaa ugu baaqay ciidanka qaranka inay xafidaan guulaha dhanka amniga ah ee la gaaray sannadihii la soo dhaafay, waxayna sidoo kale shacabka deegaanka ka codsadeen inay sii wadaan kaalintooda ku aaddan xoojinta nabadda iyo xasiloonida.
Wareejinta xeryahan ayaa ku soo aadday xilli qaar ka mid ah dalalka ciidamada ku deeqay ay billaabeen inay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya, maaddaama loogu jiro diyaar-garowga wejiga xiga ee kala-guurka howlgalka Midowga Afrika.
Xayndaabka oggolaanshaha ee Qaramada Midoobay (United Nations) u siisay howlgalka AUSSOM ayaa ku eg Dec. 31, 2026, taasoo sare u qaadeysa muhiimadda ay leedahay in la hubiyo heerka ay gaarsiisan tahay diyaargowga ciidanka Soomaaliya ee la-wareegidda deegaannada ay ilaalinayeen ciidamada caalamiga ah.
Baraawe, oo ah xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, ayaa ah magaalo-xeebeed aad muhiim ugu ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika kawada wadeen howlgallo joogto ah oo ka dhan ah al-Shabab.
La-wareegidda shantan saldhig ayaa culeys weyn oo dhanka ilaalinta ah saareysa ciidamada Soomaaliya si ay u nabadgeliyaan goobaha halbowlaha u ah magaalada, sida dekadda, gegida diyaaradaha iyo dhammaan difaacyada ciidan ee ku xeeran.
Dadaallada howlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billowday sannadkii 2007 markii dalka la geeyay ciidankii AMISOM, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay garab-siinta dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabab.
AMISOM ayaa bishii April 2022 waxaa lagu beddelay howlgalkii ATMIS, kaasoo loo unkay qorshe wejiyo badan leh oo xilka amniga si tartiib-tartiib ah loogu wareejinayay ciidamada Soomaaliya.
AUSSOM ayaa bishii January 2025 la wareegay hoggaanka howlgalka isagoo beddelay ATMIS, iyada oo waajibaadkiisu yahay taageeridda hay’adaha ammaanka Soomaaliya, fulinta gulufyada ka dhanka ah al-Shabab iyo fududeynta wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka.
In kasta oo ay socdeen sanado badan oo howlgal millatari ah, kooxda hubaysan ee al-Shabab ee xiriirka la leh al-Qaeda ayaa weli fulisa weerarro qorsheysan, iyadoo joogitaan muuqda ku leh deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Tallaabadan u dambeysay waxay caddeyn u tahay dedaallada ay Soomaaliya ku dooneyso inay sare ugu qaaddo tayada iyo awoodda ciidankeeda qaranka, xilli uu dalku u diyaar-garoobayo xilli ay yaraan doonto awoodda millatari ee shisheeye.