Browsing Tag

gobolka

Wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muujiyay cabasho ka dhan ah wasaaradda caafimaadka DFS

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya inay meesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku lug leh maalgelinta muhiimka ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah. Waxay ku eedeeyeen wasaaradda caafimaadka…

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari horay dil u geystay

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Waxaa maanta fagaare ku yaala magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud xukun dil toogasho ah lagula fuliyay askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Askarigaan xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Kaafi Cabdi, kaasoo maalmo kooban ka hor ka hor qirtay Maxkamadda gobolka Galgaduud inu si bareer ah uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Duraan Jaamac Maxamed. Toogashada Maxamed Kaafi ayaa kusoo aadeysa, kadib markii uu Maxkamadda gobolka…

Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Goobaha ciidanka howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Sabansableey, Ceel afwayne, iyo Ceel Cali goodle oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolkaas. Howlgaladaan ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminaaya abaandulaha guutada 26-aad  Gashaanle Ciise Buurshe iyo abaanduulaha Ururka 263-aad…

Gaari Al-shabaab sahay u siday iyo raggii waday oo lagu qabtay gobolka Mudug

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Ciidamada amaanka maamulka gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay gaari sahay u siday kooxda Al-shabaab iyo ragii waday. Gaariga sahayda u siday Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Nohada, waxaana ku rarna raashiin fudud iyo shidaal loo waday deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Ciidamada amniga ayaa qabtay gaarigaan iyo ragga waday oo la tilmaamay iney kusii jeedeen deegaanada Dumaaye iyo Dabalo oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug, waxaana la sheegay…

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in Maxkamaddu ka jirto xaalad garsooreyaal la’aan ah

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa shaaca ka qaaday in sanadkaan 2024 Maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu tirada badnaa, islamarkaana Maxkamaddu ay wajaheyso xaalad garsooreyaal la'aan ah. Wuxuu tilmaamay in kiisaska tirada badan ee Maxkamaddu qabato iyo garsoorayaasha ay heli karaan ineysan aheyn kuwa isku dhgma, taasina ay sababto in marar badan dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loogu talo galay qaadista dacwada. Guddoomiye Saalax Cali Dabaan…

Maamulka gobolka Banaadir oo la wareegay shaybaar

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay sheybaar lagu hubinayo tayada qalabka loo isticmaalo dhismaha, si loo helo guryo adkaysi badan oo noolaan kara muddo dheer. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sheybaarka lagu ogaan doono tayada qalabka loo isticmaalay dhismaha. "Sheybaadhkani wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan oo la tijaabinayo, gaar ahaan 11 nooc oo ah qalab iyo qalabka dhismaha sida carrada, daamurka,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More