Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 14:56
Muqdisho 28°C
Breaking: North Western State of Somalia lawmakers seek independent probe into aviation worker’s killing
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Uganda oo qeyb ka mid ah ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Uganda oo qeyb ka mid ah ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya

Jimco, Dowladda Uganda  ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ciidamadan oo gaaray dalka Uganda ayaa tiradooda lagu sheegay 2,100,  iyadoo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay xalay xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

- Advertisement -

ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

Uganda ayaa ciidankeeda soo galisay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna ku soo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidamada Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

How do you rate this story?

0 votes