Turkiga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Soomaaliya shidaal baaris ka sameynayo sanadka 2025
Sabti, April, 20, 2024 (AX) - Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in sanadka 2025 uu Turkiga ka bilaabayo xeebaha Soomaaliya howlo shidaal baaris ah.Hindisahani ayaa daba socda heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada oo ay kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay heshiiskaas “ Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hadda diyaar u ah inay horumariyaan kaydka shidaalka ee Soomaaliya. Heshiiska waxaa ka mid…