Browsing Tag

hiiraan

Puntland oo soo bandhigtay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish

 Sabti, Luulyo, 27, 2024 (AX) - Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish oo lagu qabtay Buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibar, ayaa lagu soo bandhigay warbixin muuqaal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee PSF.War qoraal ah oo loo turjumay afka Soomaaliga ayuu Calawi ku qirtay in uu ka tirsan yahay Daacish uuna ka qeyb qaatay dagaalo ka dhan ah kooxaha kale.Waxa uu shaaca ka…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalo lagu jabiyay Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalo qaraar oo shalay aroornimadii hore ka dhacay laba Saldhig oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leyihiin Jubbada Hoose ayaa bogaadiyey guulo ay ka gaareen ciidanka dagaaladaas.Wuxuu sheegay madaxweynaha in weeraradii Shalay kooxdu ku qaaday deegaanada Buulo Xaaji iyo Harboole guulaha ciidanka ka gaareen iney ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed…

Dhaleecayn adag oo ka dhalatay xarig ay dowladdu u geysatay weriye Cali Nuur Salaad

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xiray weriye Cali Nuur Salaad oo kamid ah saxafiyiinta madaxa bannaan, marna soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, xilligii uu xafiiska joogay raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.Ciidanka Booliiska ayaa ku eedeeyay weriyaha inuu ku kacay falal dambiyeedyo isugu jira, been abuur, anshax darro, iyo aflagaado ka dhan ah ciidamada qalabka sida, waxayna booliisku soo bandhigeen sawirka weriyaha isagoo maxbuus ah.Dad badan oo…

Orodyahan guul taariikhi ah usoo hoyay Soomaaliya oo laga reebay Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ayaa ka saaray Orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed ka qeyb galka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024, kaasoo la qorsheeyay in la qabto 26-ka July illaa 11-ka Agoosto.Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan ku guuleystay kaalinta labaad ee tartanka 5000 mitir ee tartanka 13-aad ee ciyaaraha Afrika ee lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana, March 22, 2024, taasoo ka dhigan in Soomaaliya ay bilad sharafeedkii ugu horeysay ka hesho masraxa…

Garowe iyo labo degmo oo katirsan gobolka Nugaal oo ay socdaan doorashooyin qof iyo cod ah

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Saddex kamid ah degmooyinka Puntland oo kala ah, Garowe, oo ah caasimadda Puntland, Dangorayo iyo Godobjiraan ayaa waxaa maanta ka socda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan.Doorashadan oo horey ugu baaqatay carqaladihii amni ee ka dhacay magaalada Garowe sannadkii hore, islamarkaana uu dhiig badan ku daatay, ayaa maanta si ballaaran looga qabtay saddexda degmo.Maamulka Puntland ayaa sheegay in la xaliyay tabashooyin ay qabeen qaar kamid ah…

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii labaad kasoo gudbaya xadka Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maalintii labaad kasoo gudbay xadka ay wadagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.Ciidamadaan oo aad u hebeysan, islamarkaana wata gaadiid dagaal oo aad u tira badan ayaa  saakay ka soo gudbay degmada Feerfeer Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo isku fidiyay deegaanada kala, Jawiil, Beergadiid, Coomaad iyo Qabno oo ah deegaano ku yaala Inta udhaxeeyso magaalooyinka Matabaan iyo Baladweyne.Wali si rasmi ah loma…

Gobaladda Waqooyi oo ku eedaysay dowlada Soomaaliya in ay ku fogaantahay duminta nabadeeda

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in is-fahanka Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa lagu sheegay in Gobaladda Waqooyi ay tahay waddan madaxbannaan oo waddamada caalamka heshiisyo la gali kara, lakiin ay dowlada Soomaaliya dagaal kula jirto."Waa wax laga xumaado in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa, in uu ku hawlanyahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga…

Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday Dhuusamareeb

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ka banaaneyd.Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu tahay HOP 18 ayaa waxaa ku guuleystay Sereeye guud Jenaraal Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe, waxaana kursigaan horey isaga casishay Sahro Colaad Cabdi.Doorashada kursigan HOP 18 uu ku soo baxay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Sareeye…

Xukumadda Itoobiya oo ka hadashay hubkii lagu qabtay Caabudwaaq

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Xukumadda Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay Hub dhawaan lagaliyay Soomaaliya, kaas oo laga galiyay dhinaca Xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya.Afhayeen u hadlay Xukumadda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta hubkan aysan xidhiidh la lahayn Itoobiya isla markaana ay masuuliyad ka saaran tahay Xukumadda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba.Dhinaca kale Afhayeenka oo ay Warbaahintu wax ka waydiisay…

Midowga Yurub oo adkaynaya Viisaha dal ku gal ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee lasiiyo muwaadiniinta Soomaalida.Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.Soomaalida ayaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More