Browsing Tag

oo

Madaxweyne Xasan Sheikh oo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada dalka

 Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlad goboleedyada in aysan siyaasadeynin arrimaha midnimada, wadajirka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka.Warsaxafaadeed caawa kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in  Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka.Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in…

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

 Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carfuuda oo qiyaas ahaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug uga beegan dhanka Waqooyo 20 KM.Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay beegsadeen labo xarumood oo kala ahaa…

Duqeyn dhulka lagula simay Guri kooxda Al-shabaab ku shirayeen oo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

 Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug.Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda Al-shabaab, hayeshee aanan la shaacin khasaaraha ka dhashay.“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood…

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka.Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya…

Kenya oo Soomaaliya la galaysa heshiis ku saabsan Qaadka

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Wasiirka Horumarinta Beeraha Kenya MKithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay la saxiixan doonto Soomaaliya heshiis ku saabsan Qaadka Miirwoga, si loo xaqiijiyo waxay ugu yeertay faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka.Mr. Linturi ayaa xusay in dalagyada lacagta caddaanka ah ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Meru, taasoo wax weyn ka tarta sida uu sheegay nolosha dadka ku nool gobolka Meru ee Kenya.Linturi, oo ka soo jeeda…

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay dhaqan galinta heshiiska difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya

 Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda  iyo Danjiraha dowladda Turkiga, ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga, munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee Labada dal.Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Turkiga doorka uu ka qaadanayo dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, isagoo madaxweynuhu sheegay, in Turkigu xilli adag uu ku soo dhiirraday…

Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga oo kusoo xiranaya dekeda Muqdisho

 Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kemalreis ayaa maanta ku soo xiri doona dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay dhawaan kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay la kulmaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga marka uu markabka dagaal ku soo xirto dekedda Muqdisho, taasoo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee…

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Shabakad si sharci darro ah ku buufineysay Bajaajyada

Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ku eedeysan iney si sharci darro ah u buufinayeen Mooto Bajaajyada Muqdisho uga dhex shaqeysta magacyada kala ah A iyo B.Howlgal qorsheysnaa oo ciidanka ay ka sameyeen degmada Xamar jajab ayay kusoo qabteen shabakadaan iyagoo ku howlanaa buufinta sharci darrada ah ee Bajaajyada oo horay amar culus ugu soo saaray maamulka gobolka Banaadir."Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan…

Jabuuti oo dalkeeda ka masaafurineysa 16 Askari oo Itoobiyaan ah

Jimco - Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga. Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay xarunta hay'adda sirdoonka si baaritaan loogu sameeyo. Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More