Browsing Tag

online

Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday Dhuusamareeb

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ka banaaneyd.Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu tahay HOP 18 ayaa waxaa ku guuleystay Sereeye guud Jenaraal Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe, waxaana kursigaan horey isaga casishay Sahro Colaad Cabdi.Doorashada kursigan HOP 18 uu ku soo baxay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Sareeye…

Xukumadda Itoobiya oo ka hadashay hubkii lagu qabtay Caabudwaaq

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Xukumadda Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay Hub dhawaan lagaliyay Soomaaliya, kaas oo laga galiyay dhinaca Xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya.Afhayeen u hadlay Xukumadda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta hubkan aysan xidhiidh la lahayn Itoobiya isla markaana ay masuuliyad ka saaran tahay Xukumadda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba.Dhinaca kale Afhayeenka oo ay Warbaahintu wax ka waydiisay…

Midowga Yurub oo adkaynaya Viisaha dal ku gal ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee lasiiyo muwaadiniinta Soomaalida.Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.Soomaalida ayaa…

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Laba horjooge oo waqti dheer ka tirsana kooxda Al-shabaab ayaa Shalay galinkii dambe  isku soo dhiibay gacanta ciidanka xooga dalka Soomaaliya.Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ah Cabdi Maxamed Caraaye oo magaciisa Afgarashada ee kooxda Al-shabaab ugu yeerto uu yahay Cabdirashiid, kaasoo kooxda u qaabilsana dhanka Maaliyada, wuxuuna isku soo dhiibay Ururka 26-aad guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan deegaanka Buula Mareer ee gobolka…

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka degmada Xudur

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan degmada Xudur kaga beegan dhanka bari 20 KM.War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo…

Garowe: Natiijada horudhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka gobolka Nugaal oo la shaaciyay

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen natiijada horudhaca ah ee doorashooyinkii golayaasha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal, sida Garowe, Dangorayo Godobjiraan.Xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyne Deni, ayaa 12 kursi ka helay doorashada ka dhacday degmada Garowe. Sidoo kale xisbiga Horseed oo kusoo xiga ayaa helay 6 kursi.Xisbiga Sincad ayaa isaguna helay 5 kursi, halka xisbiyada kala ah, Mideeye, Shaqaalaha, Runcad, Mustaqbal iyo Ifiye ay…

Hirshabeelle oo ka hadashay ciidamada Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyay gobolka Hiiraan

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore, ayaa ka hadlay walaaca la xiriira Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo dhawaan soo galay Gobolka Hiiraan.Wasiir Karoore ayaa xaqiijiyay in joogitaanka ciidamadan ay ka war hayeen maamulka Hirshabeelle ayna la xiriirto ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS ee degmada Maxaas.“Ciidanka Itoobiya ee ka soo gudbay xadka Feerfeer, sida naloo sheegay, waxay isugu jireen ciidamada ATMIS-ka iyo ciidamo…

Itoobiya oo ka jawaabtay eedeymo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya

 Jimco, Luulyo, 26, 2024 (AX) - Xukumada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq.Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya.Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan…

Madaxweynaha Jubbaland oo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab u tagay Afmadoow

 Jimco, Luulyo, 26, 2024 (AX) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.Axmed Madoobe ayaa gudaha magaalada Afmadoow kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka iyo xubno isugu jira qrybaha kala duwan ee bulashada ku nool Afmadoow oo uu kala hadlay xoojinta howlgalada Al-shabaab looga xureynayo Jubbaland.Tagista madaxweynaha Jubbaland uu…

Gobaladda Waqooyi oo uga digtay Turkiga in ciidamadiisa baddu ay usoo gudbaad xeebaheeda

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in anay ogolaandoonin in Ciidamada Badda Turkiga ee la rajaynayo in ay yimaadaan xeebaha Soomaaliya ay usoo gudbaad xeebaheeda.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa lagu baahiyay diidmada Gobaladda Waqooyi ee imaanshaha ciidamada Turkiga, xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in Turkigu aanu ciidamo keeni karin xeebaheeda."Xukumada Gobaladda Waqooyi waxay si adag uga soo horjeeda in ciidamo la keeno xeebaha la aqoonsanyahay ee Gobaladda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More