Skip to content
Tuesday, July 14, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: UAE Says Iranian Missiles Hit Oil Tankers in Strait of Hormuz, Killing Sailor
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Somalia English

Norway oo DFS u ballanqaaday ka gacansiinta Covid-19

Follow
FB_IMG_1585972888421

Xiriir dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Eriksen Soreide waxa ay isaga xog-wareysteen Heerka Soomaaliya ee Fayruska Corona iyo Walwalka ka dhashay.

Khayre iyo Ine waxa uu kulankoodu ku qabsoomay Muuqaalka toos ah ee (Vedio Conference), maadaama guud ahaan caalamka uu istaagay safarada la isaga kala gudbi jiray sabab ka dhalatay Cudurka Coronavirus.

Haweeneyda ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway waxa ay soo dhaweysay deyn cafinta Kooxda Paris oo ay ku mideysan yihiin dalal badan, guud ahaan deyn dhaafka Bangiyada Adduunka iyo Afrika.

Norway ayay sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya, sidaas awgeed ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka gacansiiyaan ol-olaha looga hortagayo faafidda Fayruska Corona.