Browsing Tag

ah

Kooxda Al-shabaab weerar hoobiyaal ah ku qaaday Saldhiga ciidanka Itoobiya ee degmada Xudur

 Jimco, Juun, 14, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyaal ah oo Xalay saqdii dhexe kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.Ku dhawaad 10 hoobiye ayaa la sheegay in kooxdu ay ku garaacday saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Xudur oo la hadlay warbaahinta gudaha.Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda ah oo ay kooxdu la beegsatay saldhiga…

Kenya oo 30 sano oo xabsi ah ku ridday nin lagu eedeeyay inuu xiriir lalahaa Alshabaab iyo Daacish

 Khamiis, Juun, 13, 2024 (AX) - Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa ku xukuntay Jackton Jacob Kanoti oo loo yaqaan Abdul Hakim soddon sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha ISIS iyo Alshabaab.Ninkaan ayaa lagu qabtay degaanka Siaya isagoo watay agab iyo macluumaad la xiriira afkaarta xagjirnimada, sida muuqaalo ka sheekeynaya howlaha argagaxisada.Xukumadda Kenya ayaa guul weyn ku tilmaamtay qabashada iyo xukunka ninkaan, taasoo ay sheegtay inay qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxaha…

Dadka eheladooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskuul Buluusiya oo cabasho ka ah lacago la weydi

Talaado, Juun, 11, 2024 (AX) - Waxaa maanta afaafka hore ee qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyay dad weyne aad u badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo baadi goobayay meydadka dad ka mid ahaa eheladooda oo sanado ka hor ay ku aaseen qabuurahaas.Talaabada dadkaan ku buux dhaafiyen afaafka hore ee qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa timid, kadib markii Shalay galinkii dambe masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka ay shaaciyeen in dowladda u baahan tahay dhulka qabuuraha,…

Darawal mooto bajaajle ah oo lagu dilay Garowe oo qoyskiisu ay diideen in la aaso

 Talaado, Juun, 11, 2024 (AX) - Ehelada darawal mooto bajaajle oo lix cishe ka hor ay dileen ciidamada amniga ee magaalada Garowe, ayaa waxay ka cabanayaan in aysan helin wax caddaalad ah, iyagoo dhinaca kale diiday in la aaso maydka.Maydka ayaa sidoo kale loo diiday in la galiyo talaagadda qaboojiyaha isbitaalka guud ee Garowe, waxayna taasi ku khasabtay inay u kireeyaan qaboojiye gaar loo leeyahay, si ay ugu keydiyaan maydka, illaa iyo inta laga helayo cid qaadata masuuliyadda dilka wiilkooda.Hay’adaha amniga Waqooyi…

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah iyo Raysal wasaare Xamse oo bogaadiyay

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan  Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada,…

Ethiopia: Ma hayno war rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya

 Isniin,  Juun, 10, 2024 (AX) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, oo ku saabsan in Itoobiya lagu wargaliyay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ah ay kala baxayso Soomaaliya.Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Nabiu Tedla ayaa War-saxaafadeed ku sheegay, in warka ku saabsan inay ciidamada Ethiopia ka baxayaan Soomaaliya, ee uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, aysan waxba ka ogeyn arrintaas.Afhayeenka Wasaaradda…

Ciidamada Waqooyi Bari oo Garowe kusoo bandhigay hub sharci darro ah iyo maandooriye

 Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Saraakiisha ciidanka amniga Waqooyi Bari iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe.Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta ugu jiray.Guddoomiya ayaa sheegay in howgalka inta uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah iyo labo qof oo dhaawac…

Xukumadda oo faahfaahin hordhac ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in saakay jab xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aroortii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarmaaday degmada Ceeldheer.War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war hayeen weerarka kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in khasaare xoog leh la gaarsiiyo kooxda.Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in…

PSF oo gacanta ku dhigtay labo ajaanib ah oo ka badbaaday duqayntii Maraykanka ee gobolka Bari

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Askarta nabad sugidda Waqooyi Bari ee lagu magacaabo PSF, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania.Labadan xubnood ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore  Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay ku lahaayeen deegaanka Af-cas ee gobolka Bari,Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo, Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi, ayaa lagasoo qabtay meel 30km u jirta degaanka ay ka dhacday…

Masar oo bisha July duulimaadyo toos ah ka bilaabaysa magaalada Muqdisho

 Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa soo dhaweeyay war saxaafadeed kasoo baxay dowladda Masar oo lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-July la bilaabi doono duulimaadyada Soomaaliya.Danjiraha Soomaaliya ayaa sheegay inay tallaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar, isagoo sheegay in fursadaan ay tahay mid ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.Shirkadda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More