Browsing Tag

hiiraan online

Raysal wasaare Rooble oo magacaabay guddiga amniga caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya

Talaado, May, 31, 2022 () - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, taasoo lagu wado inay dhacdo horraanta bisha June.Raysal wasaaraha ayaa magacaabay lix xubnood oo u badan wasiiradda ku shaqada leh arrimaha amniga iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada.Wasiirka amniga ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan, waxaana la faray inay adkeeyaan amniga munaasabada caleemo saarka madaxweynaha.Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xafladda caleemo…

Duqa Hargaysa oo ka horyimid mudaharaadada ay mucaaradku ku baaqeen

Talaado, May, 31, 2022 () - Duqa caasimada Somaliland ee Hargaysa Cabdikariin Axmed  Mooge, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa  ka horyimid mudaharaadka ay xisbiyada mucaaradku abaabulayaan.Mooge ayaa soo jeediyay in madaxda axsaabta siyaasadu ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan, oo ay ka arrinsadaan qodobada laysku hayo laakiin aan umada laysku soo saarin."Waxan qabaa in la wada hadlo, umadna aan laysku soo saarin, ee saddexda xisbi ee ay arrintani khusayso intay isla galaan miiska wadahadalada, oo intay…

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergayga Arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo codsaday gurmad deg deg ah

Talaado, May, 31, 2022 () - Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo Maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay si weyn u saameysay abaarta Soomaaliya ka jirta.Wuxuu sheegay in xaalad quus ah ay ku sugan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo barakacayaal ah, islamarkaana ay xaaladooda sii xumaaneyso marba marka ka dambeysa, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo iney helaan dadkaasi kaalmada…

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo

Talaado, May, 31, 2022 () - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaraha Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacaayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo qeybaha kala duwan ee…

Mucaaradka Somaliland: Mudaharaadku wuu dhacayaaye ku biyo caba

Talaado, May, 31, 2022  - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan mudaharaad xili ciidanka booliiska heegan buuxa la galiyay. Masuuliyiin ka tirsan axsaabta mucaaradka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay guddi u saareen qaban qaabada mudaharaadyo ay balan qaaden in ay qabanayaan, xili ay xukuumada isku afgaran waayeen nidaamka loo maamulayo mudaharaadka. "Arrinkaa mudaharaadku wuu socdaa wuu dhacaya ku biyo caba, guddidi qaban qaabada ayaa gacanta ku haysa, ku…

Ciidanka Booliska Somaliland oo heegan buuxa la galiyay

Talaado, May, 31, 2022 - Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib mudaharadadii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland. Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha magaalada Hargaysa, ayaa ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cidkasta oo amni daro abuurta. "Waxan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa abniga guddaha oo dhan in aynu gacmo adag ku qabano, cida doonaysa in ay ina khal khal galiso…

Madaxweyne Deni: Waxaan rabnaa inaan ka gudubno isqoonsigii iyo laxowgii doorashada ka dhashay

Talaado, May, 31, 2022 - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe dib ugusoo laabtay, kadib markii uu dhowaan kusoo guul daraystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, isagoo kamid ahaa musharraxiintii ugu cadcadaa. Madaxweyne Deni ayaa markii uu Garowe kusoo laabtay wuxuu sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro laxowgii iyo isqoonsigii ka dhashay doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay inaan gadaal loo eegin wixii horey u dhacay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed…

President Mohamud travels to Baidoa to satisfy with regional leaders

Baidoa - A delegation led by Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Baidoa for talks with the leaders of the southwestern state authorities on Tuesday. President Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen and different authorities officers greeted the president and his delegation at Shati Gudud airport, which included the top of the Somali nationwide military, members of each homes of parliament and different authorities. The president will meet individually with President Laftagareen, senior authorities officers…

Maxaa ka jira in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay ka degtay Israaiil?

Talaado, May, 31, 2022 () - Diyaarada Halla Airlines Boeing 737-200, oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed, oo lagu magacaabo Ibraahim Hilowle, ayaa lagu arkay iyadoo ka dagaysa garoonka Ben Gurion Airport ee dalka Israaiil.Waa markii koowaad ee ugu horraysay taariikhda, diyaarad Soomaali ah inay ka degto magaalada Tel Aviv ee dalka Israaiil, iyado uusan jirin wax cilaaqaad ah oo ka dhaxeeya labada dal.Mulkilaha diyaaradan oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay in diyaaradu ka degtay magaalada Tel Aviv, iyada oo ka diiwaan…

Madaxweyne Deni oo maanta Garowe ku laabanaya kadib markii uu kusoo hungoobay dorashadii Soomaaliya

Talaado, May, 31, 2022 () - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garowe dib ugu laabanaya kadib muddo ku dhow labo bilood oo uu Puntland uga maqnaa dooarshada Soomaaliya.Deni ayaa imaanaya, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay ku xigeenkiisa Axmed Karaash, oo xilalkii ka qaaday saddex kamid ah golihiisa wasiiradda, inkastoo aanay dhaqan galin weli.Warar aan helayno ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa khilaafkooda si hoose lagu xalliyay islamarkaana  wadashaqayntooda ay si caadiya kusoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More