Hargeysa (AX) — Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (United Nations Human Rights Office) ayaa si adag u cambaareeyay toogashada sagaal nin oo dhowaan lagu fuliyay Waqooyi Galbeed, isagoo ku dooday in dacwaddooda oo ka qabsoontay maxkamad ciidan aysan buuxin halbeegyada caalamiga ah ee caddaaladda iyo habraaca sharciga ah, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo xukunnada kale ee qorsheysan.
Bayaan la soo saaray Arbaco, Nov. 18, ayuu afhayeenka UN Human Rights Office, Seif Magango, kaga muujiyay walaac xooggan xukunnada dilka ah ee la fuliyay Nov. 11 kaddib markii eedeysanayaasha lagu helay dambiyo dil ah.
“Aad ayaan uga xunnahay toogashada sagaalka nin ee ka dhacday Hargeysa 11 November, taasoo ka dhalatay dacwado dil oo lagu qaaday maxkamad ciidan, isla markaana aan waafaqsanayn halbeegyada caalamiga ah ee caddaaladda iyo habraaca sharciga ah,” ayuu yiri Magango.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday maamulka Waqooyi Galbeed inuu hakiyo dhammaan xukunnada dilka ah ee sugaya fulinta, waxayna dalbatay in guud ahaan Soomaaliya laga hirgeliyo joojin ku-meel-gaar ah oo ku saabsan ciqaabta dilka, iyada oo hadafku yahay in mustaqbalka gebi ahaanba meesha laga saaro xukunka toogashada ah.
“Waxaan ku baaqeynaa in la hakiyo xukunnada dilka ah ee sugaya fulinta. Guud ahaanna, waxaan adkeynaynaa in la joojiyo fulinta xukunnada dilka ah ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo in ugu dambeyntii gebi ahaanba la baabi’iyo ciqaabta dilka ah,” ayuu yiri Magango.
Sagaalka qof ayaa toogasho lagu khaarajiyay Nov. 11 deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ee Waqooyi Galbeed, kaddib markii uu Madaxweyne Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro ansixiyay amarka fulinta xukunnadaas qisaasta ah.
Raggan la toogtay ayaa horay loogu helay dambiyo dil ah oo kala duwan, iyada oo wararku xaqiijinayaan in badankood ay hore uga soo shaqeeyeen qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka ee Waqooyi Galbeed.
Sida uu tilmaamay UN Human Rights Office, maxkamadaynta dacwadahaas dilka ah ayaa loo xilsaaray maxkamado ciidan, waxayna hareermareen shuruudihii caalamiga ahaa ee dammaanad-qaadayay garsoor hufan iyo caddaalad u sinnaanta.
Maamulka Waqooyi Galbeed ayaan weli si shaacsan u soo bandhigin magacyada ragga la toogtay, xaaladihii ku xeernaa dambiyada lagu helay iyo haddii la dhammaystiray dhammaan fursadihii racfaanka ka hor inta aan xukunka la fulin.
Wararka ayaa sheegaya in toogashadan loo cuskaday qisaas, oo ah nidaamka shareecada Islaamku ay jidaysay ee magta iyo aargoosiga sharciga ah looga qaado dadka dhiig gala.
Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa naqdiyay adeegsiga ciqaabta dilka guud ahaanba, isagoo ku dooday inay si toos ah uga horimanayso mabaadi’da asaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharafta qofka.
“Ciqaabta dilku gabi ahaanba ma waafaqsana sharafta iyo xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xaqa qofku u leeyahay nolosha iyo in laga dhowro daaweyn ama ciqaab arxan-darro ah, waxshnimo ah, ama sharaf-dhac ku ah,” ayuu yiri Magango.
Waxaa intaas u dheeraa in caddaymaha la hayo ay muujinayaan inaanay ciqaabta dilku waxba ka tarin xakameynta ama ka-hortagga dambiyada culus.
Deegaanka Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Waqooyi Galbeed ayaa taariikh ahaan ahaa goobta loogu talagalay toogashada dadka ay maxkamaduhu xukumaan, gaar ahaan marka ay timaado dacwadaha dilka ah.
Maamulladii isaga dambeeyay Waqooyi Galbeed ayaa si joogto ah u fulinayay xukunnada noocan ah, gaar ahaan shakhsiyaadka lagu helo dambiyada la xiriira dilalka qorsheysan.
Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’day sannadkii 1991, waxayna samaysatay maamul madax-bannaan, maxkamado iyo hay’ado amni, in kasta oo dowladda federaalka ee Muqdisho ay weli deegaankaas u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
UN Human Rights Office ayaa ku celiyay baaqiisa ku aaddan in mas’uuliyiintu ay hakiyaan toogashooyinka kale, ayna u jiheystaan baabi’inta rasmiga ah ee xukunka dilka.
Dhinaca kale, ma jiro wax jawaab degdeg ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Waqooyi Galbeed oo ku aaddan eedeymaha iyo baaqyada uga yimid Qaramada Midoobay.