Browsing Tag

waqooyi

Gobaladda Waqooyi oo soo bandhigtay caddaymo ku aadan jabhada ay sheegtay in ay Jabuuti joogto

 Talaado, Luulyo, 2, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad ka dhan ah jiritaankeeda oo ku sugan dalka Jabuuti.Kadib markii ay dowlada Jabuuti gabi ahaanba beenisay jiritaanka dhaqdhaqaaq ka dhan ah Gobaladda Waqooyi oo dalkeeda ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa soo bamdhigay caddaymo uu sheegay in ay muujinayaan jiritaanka jabhada."Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii…

Qoor Qoor: Dad dano siyaasadeed wata ayaa hurinaya colaadda beelaha Waqooyi Bari iyo Galmudug

 Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaaladii maalmahan gobolka Mudug ku dhex marayay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug.Hogaamiyaha Galmudug waxa uu sheegay dadka siyaasadda ka dhex raadinaya colaadda beelaha walaalaha ah, in ay ka darran yihiin sida uu sheegay, dhibaatada Shabaab ku hayaan bulshada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la iska xorreeyo.“Labo dhibaato ayaa…

Xukumadda Jabuuti oo beenisay in ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Gobaladda Waqooyi

 Isniin, Luulyo, 1, 2024 (AX) - Xukumadda Jabuuti ayaa eedayn aan raadlahayn ku tilmaantay hadalkii uu Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi ku sheegay in Jabuuti ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Gobaladda Waqooyi.Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa qoraal kuu ku baahiyay bartiisa X hadalka Hogaamiye Biixi ku tilmaamay mid aan raadlahayn."Waxan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Gobaladda Waqooyi, Jabuuti waa goob u taagan wadajirka iyo is dhexgalka gobolka, waa barada…

Gobaladda Waqooyi oo beenisay wararka sheegaya in la xidhay xafiis wakiileed keeda Jabuuti

 Axad,  Juun, 30, 2024 (AX) - Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Jabuuti Cabdiftaax Siciid Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jabhada ay Somliland sheegtay in Jabuuti kusoo dhawaysay waddankeeda.Wakiilka oo ku sugan dalka Ingiriiska oo waraysi gaar ah siiyay Horn Cable TV, ayaa sheegay in uu berri imanayo magaalada Hargaysa, isla markaana ay xukuumada Gobaladda Waqooyi ugu yeedhay wadatashi."Runtii waa arrin laga xumaado sida uu madaxweynuhuba shalay sheegay intaa waanu la soconay, arrinkaana runtii lagama filanayn…

Waqooyi Bari iyo Galmudug oo xabbad joojin ka hirgaliyay deegaanada lagu dagaalamay ee Galbeed Mudug

 Sabti, Juun, 29, 2024 (AX) - Wafdi ka kala socday Waqooyi Bari iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in xabbad joojin lakala dhex dhigo labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee Galbeedka gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 50 qof.Wafdiga ayaa  maalin ka hor gaaray goobihii dirirtu ka dhacday ee duleedka Jiicboor, iyagoo  ugasii gudbay Saaxo-qurun, waxaana safarka ujeeddadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dagaal beeleedka daba dheeraaday ee ka taagan…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in Hogaamiyaha Soomaaliya rabo in uu soo celiyo colaadii Soomaalida iyo Itoobiya

 Jimco,  Juun, 28, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu rabo in uu dib u huriyo colaadii mudada qarniyada ah ka dhaxaysay Soomaalida iyo Itoobiya.Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed ayaa Hogaamiye Maxamuud ku eedeeyay in uu rabo in uu dib u bilaabo colaadii diinta, dhulka iyo isirka ku salaysnayd ee mudada dheer dhextaalay Soomaalida iyo Itoobiya."Xasan waxan leeyahay adiga balaayo kuma hayso, dadka reer Soomaaliya balaay ma…

Waqooyi Bari oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Maamulka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.Hogaamiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Waqooyi Bari, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.Hogaamiye ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si…

Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo war cusub kasoo saaray heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

 Khamiis,  Juun, 27, 2024 (AX) - Xukumadda Itoobiya ayaa beenisay warar sheegaya in ay ka laabatay heshiiskii is afgarad ee ay horaantii sannadkan la gashay Gobaladda Waqooyi.Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa bulshada loogaga digay wararka been abuur ka ah ee laga faafinayo heshiiska."Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Gobaladda Waqooyi" ayaa…

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo sheegay in ay ka go’antahay in la fuliyo heshiiska Itoobiya

 Arbaco,  Juun, 26, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Gobaladda Waqooyi u horseedi doono aqoonsi.Waxa uu Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay daacadnimo daro, isaga oo sheegay…

Waqooyi Bari iyo dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay shakabad tahriibisa dhallinyarada

 Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) - Askarta Booliiska dowlad goboleedka Waqooyi Bari iyo Askarta Booliska Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iska kaashaday gacanta ku dhigidda shakabad ka shaqeysa tahriibinta dhallinyarada.Shakabadan ayaa la qabtay iyagoo waday koox dhallinyaro ah oo laga tahriibiyay deegaanada Waqooyi Bari, loona waday in Magafe loo gacan galiyo, kuwaas oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.War saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in hay’adda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More