Browsing Tag

Galbeed

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Al-shabaab kala wareegay deegaano cusub

 Sabti, Juun, 15, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.Wadooyinkaan ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.War kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgalada kula wareegeen deegaano dhowr ah oo aanan la shaacin…

Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid qorshe ciidamada Itoobiya dalka looga saarayo dhammaadka sanadkan, sida uu horey u sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.Qoraal lagu daabacay barta X ee wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay, in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shakhsiyaad marin habaabin ku haya shaqada ciidamada Itoobiya ay ka hayaan degaanada maamulkaas uu ka taliyo.“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan…

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo, waxaana geeridiisa ka…

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab

Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Kuunyabarow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayoow ayaa lagu soo bandhigay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay isaga iyo hubkii uu watay.Ninkaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ee ciidanka dowladda Fedaraalka, waxaana…

Nabadsugida Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Nabadsugida maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee lagu soo bandhigay Baydhabo ayaa tiro ahaan gaaraya 12 ruux oo ay ciidamadu kusoo qabqabteen howlgalo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.Xubnahaan ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed ay soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al-shabaab u kala qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay kooxdu…

Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed oo howlgalo lagu qaaday isbaaroyin ka sameeyay degmada Bardaale

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ku guuleystay iney qaadaan isbaarooyin badan oo yaalay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay oo gaarayay ilaa 10 jidgooyo.Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay gudaha degmadaas ka waday howlgalo ay ku doonayeen iney ku qaadaan isbaarooyinka u  yaalay gudaha degmadaas maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas kasoo jeeda.Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Baay oo ku sugan degmada Bardaale ayaa sheegay inaan loo…

Koonfur Galbeed oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaaddii ka taagnayd degmada Diinsoor

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xal laga gaaray colaad labo beelood ku dhex martay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Xaaji Xasan waxa uu sheegay in labada beelood ay qaateen nabad. Ka dib dadaalo badan oo la sameeyay ayuu sheegay in lagu heshiiyay in dirir dambe aysan dhicin.“Labada beelood waan isku keennay, waxayna raalli ku yihiin oo qaateen nabadda. Odayaaasha labada beelood iyagoo gacmaha is haysta ayaaan soo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More