MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin Talaado ah magaalada Muqdisho ka daah-furtay Madasha Afraad ee Amniga Baraha Internet-ka ee Qaranka (National Cyber Security Forum), xilli ay dalka ka socdaan dadaallo baaxad weyn oo lagu xaqiijinayo badqabka kaabayaasha dhijitaalka ah ee sida xawliga ah u kobcaya.
Shirweynahan oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Jaamacadda Mogadishu University, ayaa sanadkan lagu qabtay halkudhegga ah “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkeysiga Amniga Baraha Internet-ka Iyadoo Amniga Lagu Saleynayo Naqshadeynta Guud.”
- Advertisement -
Wadahadallada madashan ayaa xoogga lagu saarayaa maamul-wanaagga amniga dhijitaalka ah, dhowrista kaabayaasha tiknoolajiyadda, ka hortagga khataraha cusub ee soo kordhaya iyo tayeynta awoodda heer qaran ee wax ka qabashada weerarrada dhanka internet-ka. Waxaa kale oo si gaar ah diiradda loo saaray in tallaabooyinka amniga lagu dhex daro hababka dhijitaalka ah tan iyo bilowgooda hore, halkii laga sugi lahaa marka shaqadooda la guda-galo.
“Amniga baraha internet-ku waa mas’uuliyad wadareed u baahan iskaashi dhex mara dowladda, xarumaha waxbarashada sare, qaybta gaarka loo leeyahay iyo bulshada guud ahaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Mogadishu University, Ibrahim Mohamed Mursal. Wuxuu intaas ku daray, “Jaamacaduhu waxay door lama-huraan ah ku leeyihiin kobcinta xirfadaha iyo cilmi-baarista lagama maarmaanka u ah wax ka qabashada caqabadaha amni ee dhijitaalka ah ee soo kordhaya.”
Ibrahim Mohamed Mursal ayaa dhanka kale carrabka ku adkeeyay in jaamacaddu ay hirgelisay Waax cusub oo qaabilsan Amniga Baraha Internet-ka iyo Caqliga Macmalka ah (Department of Cybersecurity and Artificial Intelligence).
Agaasimaha Guud ee hay’adda NCA, Mr. Mustafa Yasin Sheikh, ayaa dhankiisa soo bandhigay guulihii ugu waaweynaa ee laga gaaray ilaalinta baraha internet-ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin howlgelinta Xarunta Qaranka ee Ka-jawaabista Khataraha Internet-ka Soomaaliya (SOMCIRT), tababarrada aqoonta loogu dhisayo mas’uuliyiinta dowladda, barnaamijyada wacyigelinta bulshada, iyo diyaarinta qaab-dhismeedka maaraynta khataraha iyo u hoggaansanaanta amniga internet-ka.
“Horumarka baaxadda leh ee aan sanadkan gaarnay wuxuu noo yahay sees adag oo lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Madashani waxay fursad qaali ah u tahay is-weydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo khibradaha, iyadoo sidoo kale horseedaysa xalal wax-ku-ool ah oo hore loogu marinayo dadaallada amniga internet-ka ee qaranka,” ayuu yiri Mr. Mustafa Yasin Sheikh.
Xarunta SOMCIRT ayaa si rasmi ah loo furay March 7, iyadoo noqotay xaruntii ugu horreysay ee heer qaran ee loo xilsaaro isku-dubbaridka ka-hortagga, ogaanshaha iyo ka-jawaabista weerarrada dhanka internet-ka. Xaruntan oo hoos tagta hay’adda isgaarsiinta ayaa mas’uul ka ah helidda warbixinnada ku saabsan khalkhalka amni, bixinta digniinaha degdegga ah iyo maaraynta falcelinta khataraha ku wajahan hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sidoo kale sanadkan soo gebagebeysay barnaamijkii ugu horreeyay ee shahaado-siinta amniga internet-ka ee loo qabto howlwadeennada dowladda, iyadoo heerarka caalamiga ah ee amniga dhijitaalka ku tababartay khubaro ku takhasustay farsamada macluumaadka oo ka kala socday 21 hay’adood oo dowladeed.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mohamed Adan Mo’allin, oo si rasmi ah u furay shirweynahan maalin Talaado ah, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda qorshaheeda uu ku jiro furitaanka Akadeemiye Qaran oo gaar u noqon doonta Amniga Baraha Internet-ka (National Cybersecurity Academy).
“Waxaan rajo weyn ka qabaa in shirweynahan ay ka soo baxaan natiijooyin miro-dhal ah oo si dhab ah faa’iido ugu keena shacabka Soomaaliyeed,” ayuu xusay wasiirku.
Soomaaliya ayaa si weyn u kordhisay dhisidda qaab-dhismeedka amniga dhijitaalka ah xilli adeegyada dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, hay’adaha bangiyada iyo qaybaha kale ee muhiimka ah ay si buuxda ugu tiirsanaanayaan nidaamyada tiknoolajiyadda.
Golaha Shacabka ayaa bishii January meel-mariyey sharciga amniga baraha internet-ka, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya waajibaadka hay’adaha dowladda, kuwa maamula kaabayaasha asaasiga ah, iyo hannaanka qaran ee warbixinnada iyo ka-jawaabista weerarrada internet-ka. Sharcigan ayaa sidoo kale si sharci ah u dhidbay howlgalka xarunta SOMCIRT.
Madasha Amniga Baraha Internet-ka Qaranka ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii 2023. Kulamadii hore ayaa horseeday in hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay si qoto-dheer uga wada xaajoodaan khataraha dhijitaalka ah, dejinta siyaasadaha, wadaagidda xogta iyo sidii dalka looga ilaalin lahaa waxyeellaynta kaabayaasha qaranka ee muhiimka ah.