Browsing Tag

Qaranka

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay qaraar ku saabsan ka hortagga qataraha amniga qaranka

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya.Qaraarkan ayay dowladdu sheegtay in looga gaashaamanayo khataraha halis galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkan uu ka tarjumayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaranka.Qaraarkan oo ka kooban 8…

Taliyaha Nabadsugida Qaranka oo beeshiisa ka dalbaday in dib u bilaabaan dagaalka Al-shabaab

Jimco, May, 31, 2024 (AX) - Waxaa galinkii dambe ee maanta ka furmay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shirka Nabadda iyo midnimada Cali Hogaamiye oo ka mid ah Beelaha Xawaadle.Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee beesha Cali Hogaamiye sida Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhallinyaro, Haweeno, Ganacsato, siyaasiyiin, Xildhibaano Saraakiil iyo masuuliyiin ay ka mid yihii Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Macawiisleyda iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.Shirkaan oo ah mid beeshaasi ay uga tashaneyso…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

 Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isbadal ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir.Taliye Sanbaloolshe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii hay'adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye oo mar soo noqday ku xigeenka hay'adda NISA.Agaasime Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Muxidiin Warbac u magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda…

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw War murtiyeed laga soo saaray

Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Aqalka Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.War murtiyeedka laga soo saaray Shirka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin sugidda amniga, la…

Lataliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyay waxyaabaha dowladda uga qabsoomay Amniga

Jimco, May, 17, 2024 (AX) -Lataliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha dhanka amniga uga qabsoomay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan laba sano u buuxsantay iney wax badan oo muuqda ay ka qabatay dhanka amniga guud ee dalka.“Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhanka amniga dalka wax weyn ayuu ka qabtay tan iyo markii uu…

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho

Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Aqalka dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare Xame Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo maamulka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More