Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo dhiggiisa Soomaaliya, Abdisalam Abdi Ali intii uu socday kulankooda ku qabsoomay meertada Shirka Russia-Africa Summit. Sawirka: Golaha Wasiirrada Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo dhiggiisa Soomaaliya Abdisalam Abdi Ali ayaa kulan gaar ah oo looga arrinsaday xoojinta cilaaqaadka labada dal iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ku yeeshay meertada Shir-madaxeedka Russia-Africa Summit.
- Advertisement -
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu caddeeyay in wadahadalka labada mas’uul xoogga lagu saaray adkeynta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada qaran.
Badr Abdelatty ayaa soo dhoweeyay dardarta togan ee ku soo kordheysa xiriirka Masar iyo Soomaaliya, isagoo bogaadiyay sida ay labada dhinac uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarka iyo maalgashiga.
Wasiirka ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka adag ee ay Masar ku taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo bogaadiyay dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah laguna kobcinayo awooddooda qaran. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in Masar ay si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu waxyeeleynayo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ama lagu xadgudbayo qarannimadeeda.
Labada diblomaasi ayaa falanqeeyay isbeddellada amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageeridda hay’adaha dowliga ah iyo dhowridda midnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka gobolka.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii loo dhaqangelin lahaa qodobradii ka soo baxay shirkii wadatashiga afar geesoodka ahaa ee Masar ku qabatay magaalada xeebeedka El-Alamein, kaas oo laf-dhabar u ah dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka, lagagana hortagayo xiisadaha ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.