Browsing Tag

hadlay

Hogaamiye Xasan Sheekh si faahfaahsan uga hadlay dagaalka Al-shabaab iyo doodaha ka dhashay Dastuurka

 Arbaco, Juun, 12, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka.Hogaamiyaha ayaa khudbadiisa uga hadlay  arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.Wuxuu ku dheeraaday madaxweynaha ka hadlida dhinaca amniga dalka, isagoona xusay in…

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada dhalinayro ku dhibaateysan Libya

Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa kula kulmay dalka Liibiya qaar ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi tahriib ku tagay.Wasiir Barre ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xariirtay u kuur galida xaalada nololeed ee dhalinyarada dalkaasi tahriibka ku tagay, isagoona ku baaqay in dhalinta Soomaaliyeed ka fogaadaan tahriibka.“Libiya waxaan markii hore u tagnay ka qeyb galka shir Jaamacadda Carabta ah balse markii dambe ayaan waxaan…

Taliska Booliiska Banaadir oo ka hadlay sababta loo xirxirayo dadka sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha

 Khamiis, May, 30, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah dadka baraha bulshada ka dhex sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay sababta ciidanka Booliiska ay u soo xirxirayaan oo loola dagaalamayo dhalinyarada ku howlan anshax xumada iyo arrimaha qabiilka iney tahay qeyb ka mid…

Guddida Nabadgalyada gobolka Sanaag oo ka hadlay rabshado ka dhacay Ceerigaabo

 Isniin,  May, 27, 2024 (AX) - Guddida Nabadgalyada gobolka Sanaag, ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dhallinyaro ka badan 50 oo lagu eedayay in ay rabashado ka gaysteen magaalada Ceerigaabo 25 May.Guddida Nabadgalyada, ayaa sheegay in dhallinayarada la xidhxidhay ay lasoo baxeen calan aan ka Gobaladda Waqooyi ahayn, isla markaan ay gaysteen rabshado."Reer Ceerigaabo maaha dad aad ku kicin kartaan caadifad reernimo, halkani qaran weeyi, calan ayaa ka taagan, calanka ka taagani waa kaa jamhuuriyada barakaysan, kaas ayaynu…

Hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle oo si adag uga hadlay khilaafka iyo tabashada reer Hiiraan

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Hogaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Shalay gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka mudada dheer u dhaxeeya reer Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle.Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka reer Hiiraan ay ka qabaan jiritaanka maamulka Hirshabeelle inuu saameyn balaaran ku yeeshay horumarka Hirshabeelle, isagoona xusay in haatan loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka.“Waxaan idiin…

Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show

 Talaado, April, 7, 2024 (AX) - Muxyadin Maxamed oo loo garan og yahay Muxyadin Show kana mid ah Wariyayaasha sida madaxa banaan uga howlgala Dowlad degaanka Soomaalida ayay Maxkamadda Gobolka Faafan ee Jigjiga ku xukuntay 2 sano oo xarig, kaddib markii lagu eedeeyay gudbinta hadallo naceyb oo bulshada iska horkeenaya iyo been abuur.Haddaba Ururka Saxafiyiinta ee Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xukunka ku dhacay Wariye Muxyadin Show ayaa sheegay in xukunkaasi uusan ahayn mid sax ah oo cadaaladda waafaqsan, iyagoo…

Xildhibaano si kulul uga hadlay dil maanta loogu geystay degmada Bardaale Malaaq caan ahaa

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay weerar maanta lagu dilay Malaaq Manuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Malaaqa guud ee beesha Leysaan.Malaaq Manuur Yuusuf ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Bardaale, kuwaas oo ku weeraray hoyga uu ka dagan yahay Malaaqa degmada Bardaale ee gobolka Baay.Xildhibaan Maxamed Abuukar oo…

Safiirka UK ee Soomaaliya oo madaxweyne Deni kala hadlay xal u helidda muranka dib u habaynta dastuurka

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib u habaynta lagu sameeyay dastuurka dalka.Hogaamiyaha Puntland iyo safiirka UK ayaa yeeshay wada hadal ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay in laga wada xaajoodo dib u habeynta dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.“Iyagoo xoogga saaraya muhiimadda wadahadalka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga wada…

Hoggaamiye Firdhiye: Nabad hoosaasin ah ka qaadan mayno odayaasha ka hadlay magaalada Burco

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali  Firdhiye, ayaa sheegay in aysan odayaaasha dhaqanka Gobaladda Waqooyi ka qaadan doonin nabadayn hoosaasin ah oo lagu qarinayo sida uu sheegay, duullaanka Soomaliland ay kusoo tahay deegaanada SSC.Firdhiye ayaa u sheegay odayaal Gobaladda Waqooyi ah, kuwaas oo baaq nabadeed soo saaray, in looga baahan yahay, in ay wax ka qabtaan sida uu sheegay, duullaanka iyo colaadda ka dhanka ah SSC, ee uu abaabulayo Muuse Biixi “Burco baaqa aad ka…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka la dhigto

Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday xadka gobolada Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe iyo isbaarooyinka la dhigto.Taliyaha hay’adda Nabadsugida ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaal beeleedyada soo laablaabtay, isagoo nasiib daro weyn ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega labadaas gobol.“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More