Dulucda casharradii 1990-kii, doorka dusha kaga aaddan aqoonyahanka maanta, iyo khatarta ay leedahay in laga aamuso marxaladaha masiiriga ah ee dalku marayo
Taariikhdu ma aha oo kaliya qoraal lagu keydiyo dhacdooyinkii ummadi soo martay, balse waa kayd xambaarsan digniino iyo casharro lama-huraan u ah jiil kasta. Qaran ka gaabiya inuu wax ka barto khaladaadkii hore, waxa hubaal ah inuu mar kale dib ugu kufi doono isla dhibaatooyinkii uu shalay la daalaa-dhacayay.
Soomaaliya waxay tusaale cad u tahay dhibaatada ka dhalata burburka hay’adaha qaranka, kaas oo reebay nabarro siyaasadeed, bulsho iyo kuwo dhaqaale oo ilaa maanta la laacdayo sidii looga kici lahaa. Burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii may ahayn oo kaliya dhicistii nidaam siyaasadeed, balse waxa uu horseeday kala daadashada hay’adihii dowladnimo, dagaal sokeeye, barakac baaxad weyn iyo burbur qaran oo saameeyay jiilal badan oo isaga dambeeyay saaxada.
Haddaba, kaddib tobannaan sano oo dadaal loogu jiray dib-u-dhiska dowladnimada, Soomaaliya waxay maanta mar kale dhex dabaalanaysaa loolan siyaasadeed, is-maandhaaf dastuuri ah iyo kalsooni-darro sii xoogaysanaysa oo soo kala dhex gashay madaxda iyo daneeyayaasha siyaasadda. In kasta oo xaaladda hadda taagani ay aad uga duwan tahay duruufihii adkaa ee 1990-kii, haddana taariikhdu waxay inna xusuusinaysaa sida ay lagama-maarmaan u tahay in khilaafaadka siyaasiga ah xal loo helo ka hor inta aysan isu rogin qalalaase qaran oo faraha ka baxa.
Xaaladdan murugsan ayaa dhalinaysa weydiin mudan in si qoto dheer looga fikiro: Meeye aqoonyahankii Soomaaliyeed iyo haldoorkii miisaanka lahaa ee dalka, kuwaas oo u taagnaan lahaa difaaca dowladnimada, runta ku wajihi lahaa madaxda xukunka haysa, dadka mideyn lahaa, isla markaana hor istaagi lahaa halisyada wiiqi kara mustaqbalka dalka?
Casharkii 1990-kii: Xilligii Aqoonyahanku ka Digay Burburka Qaranka
Dabayaaqadii sanadkii 1990-kii, xilli Soomaaliya ay si xawli ah ugu sii siqaysay burbur siyaasadeed iyo mid ammaan, waxaa fagaaraha isa soo taagay koox ka kooban aqoonyahanno caan ah iyo shakhsiyaad miisaan culus ku lahaa qaranka. Waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin hore, culimo, aqoonyahanno jaamacadeed, odayaal-dhaqameed iyo dadweyne qaddarin ballaaran ku dhex lahaa bulshada.
Kooxdan oo caan ku noqotay magaca Manifesto (Kooxdii Baaqii Manifesto), waxay u guntadeen sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen ka-hortagga burburkii ku soo fool-lahaa dowladnimadii Soomaaliyeed. Waxay xilligaas ku baaqeen in la sameeyo dib-u-habayn siyaasadeed oo dhab ah, in wada-hadal la furo, laguna xalliyo dhibaatada qaranka haysatay qaab nabadeed.
Miisaanka taariikhiga ah ee tallaabadoodu may ahayn oo kaliya bayaankii qoraalka ahaa ee ay soo saareen. Waxa ugu waynaa waxay ahayd aaminsanaanta ay aaminsanaayeen in hoggaanka aqoontu uusan ahayn magac iyo sharaf bulsho oo madhan, balse uu yahay masuuliyad waddaniyeed oo qofka saaran si uu runta u sheego marka uu mustaqbalka dalku halis galo.
In kasta oo dadaalkoodii uu ugu dambayntii ka baaqsan waayay inuu baajiyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii, waxay haddana reebeen cashar taariikhi ah oo aan duugoobin: in dadka leh aqoonta, khibradda iyo saamaynta bulsho ay xil weyni kaga aaddan tahay inay ka digaan khataraha soo fool leh, fududeeyaan wadahadallada, soona jeediyaan xalal wax ku ool ah marka lagu jiro marxaladaha qalalaasaha qaran.
Burburkii 1991-kii waxa uu marag cad u noqday in mar kasta oo ay lunto kalsoonidii shacabka, hay’adihii dowladnimo iyo hoggaankii siyaasadeedna ay dumaan, in dib-u-dhiska waxyaabahaasi ay qaadan karto tobannaan sano oo dhibaato badan.
Sidaa darteed, weydiinta maanta hortaalla Soomaaliya ma aha oo kaliya sababtii ay dowladdu u duntay 1991-kii, balse waa maxay casharrada aynu ka barannay khibraddaas qaraar, maxaase tallaabooyin ah oo aynu qaadaynaa si aysan u soo noqon khaladaadkii hore?
Soomaaliya Maanta: Is-maandhaafka Siyaasadeed iyo Masuuliyadda Aqoonyahanka
Soomaaliyada maanta ma aha Soomaalidii 1990-kii. Dalku hadda wuxuu leeyahay hay’ado dowladeed, nidaam siyaasadeed oo federaal ah, dastuur, waxaana socda dadaallo lagu adkaynayo dowladnimada. Si kastaba ha ahaatee, jiritaanka hay’adahan oo kaliya ma damaanad-qaadi karo xasillooni siyaasadeed haddii aanay wehelin kalsoonida shacabka, isla-xisaabtan dhab ah, iyo faham qaran oo la wadaago oo ku aaddan jiheynta mustaqbalka dalka.
Khilaafaadka dhinaca dastuurka, madmadowga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, iyo aragtiyaha ku kala duwan hannaanka doorashooyinka waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo wada-tashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dowladnimadu kuma taagnaato oo kaliya awoodda maamul ee hay’adaha. Waxay si buuxda ugu tiirsan tahay sharciyadda, kalsoonida shacabka, dhawrista dastuurka, iyo awoodda hoggaamiyeyaasha siyaasaddu u leeyihiin inay maareeyaan khilaafaadka iyagoo ilaalinaya danta guud ee qaranka.
Marka khilaafaadka siyaasiga ah loo maamulo sidii dagaal ay tahay in dhinac uu dhinaca kale ka adkaado, halkii loo arki lahaa arrimo u baahan is-afgarad iyo tanaasul, xal waara oo la gaaraa wuxuu noqonayaa mid sii adkaada.
Halkani waa dhab ahaan halka ay ka bilaabato masuuliyadda weyn ee saaran aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Bulsho kastaa waxay dhexdeeda ku leedahay shakhsiyaad aan xilal dowladeed haynin balse leh cilmi, waayo-aragnimo, kalsooni shacab, iyo karti ay ku saameyn karaan aragtida dadweynaha iyo go’aannada siyaasadeed. Dadkaasi waxay noqon karaan buundooyin isku xira dhinacyada is-diiddan, codad madax-bannaan oo runta sheega, iyo awood wax-dhisaysa oo u taagan ilaalinta danta qaranka.
Hase yeeshee, marnaba ma gudan karaan xilkaas haddii ay ku dhex milmaan loolanka siyaasadeed, la saftaan kooxaha is-haya, ama ay ka aamusaan arrimaha masiiriga ah ee dalka si ay u dhawrtaan danahooda gaarka ah iyo xiriirrada shakhsiga ah.
Hoggaanka aqooneed ee runta ahi ma aha in wax kasta oo ay madaxdu sameeyaan loo guul-guleeyo. Waxa uu ka dhigan yahay in la lahaado dhiirranaan runta loogu sheego madaxda, xataa haddii runtaasi ay tahay mid qaraar oo aanay dhegahoodu jecleysanayn.
Aamusnaanta Aqoonyahanka: Masuuliyad aan Laga Baxsan Karin
Waxaa jira farqi aad u weyn oo u dhexeeya dhexdhexaadnimo iyo aamusnaan.
Dhexdhexaadnimadu waa in qofku ka madax-bannaanaado loolanka siyaasadeed, dhacdooyinkana ku qiimeeyo caddaalad, caddaymo dhab ah iyo damiirkiisa. Balse aamusnaanta, gaar ahaan marka ay ka dhalato cabsi, dano gaar ah, ama rabitaan lagu raalli-gelinayo madaxda, waxay u dhigantaa dayacaad bareer ah oo lagu sameeyay masuuliyaddii qofka kaga aaddanayd bulshadiisa.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed waa inay awood u yeeshaan inay si isku mid ah ula hadlaan madaxda dowladda, xubnaha mucaaradka, iyo dhammaan saamilayda siyaasadda. Waa inay si furan farta ugu fiiqaan khaladaadka siyaasadeed iyaga oo aan dhaleeceynta ku koobayn dhinac gaar ah ama aan difaacayn kuwa ay wadaagaan dano siyaasadeed iyo kuwo shakhsi ah.
Culimada diinta, aqoonyahannada jaamacadaha, hoggaamiyeyaashii hore ee siyaasadda, diblomaasiyiinta, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, haweenka, iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, dhammaantood waxay xil wadajir ah ku leeyihiin ilaalinta wadajirka bulshada iyo sii socoshada dowladnimada Soomaaliya.
Gaar ahaan, hoggaamiyeyaashii hore iyo diblomaasiyiintii rug-caddaaga ahayd waa inay ka faa’iideystaan casharradii ay ka barteen hoggaanka, wadaxaajoodyada siyaasadeed, iyo xallinta khilaafaadka. Waayo-aragnimadooda waa in loo adeegsadaa danta dalka, halkii ay ku koobnaan lahayd daawasho iyo faallayn aan waxba soo kordhinayn.
Soomaaliya uma baahna aqoonyahan si indho-la’aan ah ugu taageera kuwa xukunka haya ama kuwa doonaya inay booskooda galaan. Waxay u baahan tahay codad qaran oo madax-bannaan, kuwaas oo daacadnimada ay dalka u hayaan ay ka sarrayso danaha siyaasadeed ee ku-meel-gaarka ah.
Qaranka laguma badbaadin karo sacab iyo ammaan aan loo meel dayin. Waxaa lagu badbaadiyaa talo daacad ah, run-sheegid, midnimo qaran, iyo hoggaan u diyaarsan in lala xisaabtamo.
Baahida Degdegga ah ee loo Qabo Shir-wada-tashi Qaran
Mid ka mid ah casharradii ugu muhiimsanaa ee laga bartay dadaalladii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee 1990-kii ayaa ah inaan loo oggolaan khilaafaadka siyaasadeed inay faraha ka baxaan ilaa heer xal nabadeed uu noqdo mid aad u adag.
Aqoonyahanka Soomaaliyeed waa inay bilaabaan wada-tashiyo qaran oo madax-bannaan, kuwaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka dastuuriga ah, hannaanka doorashooyinka, iyo dib-u-soo-celinta kalsoonida hay’adaha qaranka.
Wada-tashiyada noocaas ah waa inay ka madax-bannaanaadaan Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo kooxaha mucaaradka ahba. Waa inay isu keenaan shakhsiyaad lagu yaqaanno dhex-dhexaadnimo, aqoon qoto dheer, hufnaan, iyo waayo-aragnimo.
Ujeeddadu ma aha in la abuuro dallad siyaasadeed oo cusub ama la dhiso awood kale oo la tartanta dowladda. Hase yeeshee, hadafku waa in la helo cod bulsho oo midaysan, la soo saaro talooyin wax ku ool ah, lana fududeeyo dhex-dhexaadinta u dhexaysa dhinacyada siyaasadda isku haya.
Aqoonyahanka waxaa laga rabaa inay ku dhiirrigeliyaan dhammaan dhinacyada in khilaafaadka dastuuriga ah lagu xalliyo dariiq sharci ah iyo wada-hadal, in la raaco hannaan doorasho oo ku dhisan is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, lana xaqiijiyo in awoodda dowladnimada loo adeegsado danta qaranka.
Sidoo kale, waxa aad muhiim u ah in laga digo kala-qaybinta qabiilka, kicinta dadweynaha, iyo hadallada siyaasadeed ee xanafta leh kuwaas oo sii hurin kara xiisadaha jira.
Dal soo maray tobannaan sano oo colaad sokeeye iyo kala-daadasho ah wuxuu u baahan yahay hoggaan siyaasadeed oo u diyaarsan tanaasul, iyo bulsho awood u leh inay ka hortagto in khilaafaadka siyaasiga ahi isu beddelaan gacan-ka-hadal.
Dowladda iyo Mucaaradka: Masuuliyad Qaran oo La Wadaago
Masuuliyadda ilaalinta dowladnimada Soomaaliya ma saarna oo kaliya madaxda xilalka haysa, sidoo kalena ma aha xil u gaar ah mucaaradka oo kaliya. Waa waajibaad guud oo saaran saamilayda siyaasadda iyo bulshada oo dhan.
Xukuumad kasta waxa waajib ku ah inay ilaaliso dastuurka, xoojiso hay’adaha qaranka, dhawrto xuquuqda muwaadiniinta, khilaafaadka siyaasadeedna ku xalliso wadahadal iyo isu-tanaasul.
Sidoo kale, mucaaradka waxaa saaran masuuliyad ah inay soo bandhigaan aragtiyo siyaasadeed oo wax dhisaya, dhawraan nabadda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sii socoshada hay’adaha dowladnimo.
Kala-aragtida siyaasadeed waa dabeecad dabiici ah oo sharci ku fadhida marka laga hadlayo nidaamka dimuqraaddiga ah. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in la xaqiijiyo in khilaafaadka noocaas ahi aysan burburin hay’adaha iyo mabaadi’da dastuuriga ah ee ay tahay inay dhammaan dhinacyadu ku dhex shaqeeyaan.
Kuwa maanta xilalka haya waa inay ogaadaan in awoodda siyaasadeed ay tahay mid ku-meel-gaar ah, balse dowladnimadu ay tahay dhaxal qaran oo ay leeyihiin jiilasha maanta nool iyo kuwa mustaqbalka iman doona.
Dowladnimada Soomaaliya waa inay mar kasta ka sarreysaa qofka hoggaaminaya, xisbiga xukunka haya, iyo koox kasta oo doonaysa inay maamusho talada dalka.
Gunaanad:
Yeynaan Noqon Daawadayaal Aamusan oo ay Taariikhdu La Xisaabtanto
Soomaaliya waxay qiimo aad u qaraar ka bixisay burburkii ku yimid hay’adihii dowladnimo. Kumannaan qoys ayaa waayay dadkii ay jeclaayeen, halka malaayiin Soomaali ah ay la kulmeen barakac, qaxootinimo, iyo nolol adag oo ka dhalatay colaadihii sokeeye iyo dumihii hay’adaha qaranka.
Jiilal Soomaaliyeed ayaa ku barbaaray iyagoon helin adeegyo bulsho oo dhammaystiran, ammaan lagu kalsoonaan karo, ama fursado dhaqaale oo ku filan oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan.
Maanta, jiilkeenna waxa saaran masuuliyad taariikhi ah oo ah inaan ilaalino wixii la soo dhisay, kana hortagno khaladaad dib u burburin kara dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada ee la waday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.
Aqoonyahankii 1990-kii waxay isku dayeen inay dalka ka dhowraan khatarihii soo fool-lahaa. Maanta, in ka badan afar iyo toban sano kaddib aasaaskii Dowladdii Federaalka ee ka baxday xilligii kumeel-gaarka ahayd sanadkii 2012-kii, waxa taagan su’aal xasaasi ah: Yaa qaadanaya masuuliyadda ah inuu mideeyo codadka qaranka, qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed, ilaaliyana mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya?
Waxa la joogaa xilligii aqoonyahanka Soomaaliyeed ay ka gudbi lahaayeen bayaanada kooban, faallooyinka warbaahinta, iyo la-safashada kooxaha siyaasadda, una gudbi lahaayeen wada-tashi dhab ah iyo dadaal wadajir ah oo lagu helayo xalal qaran.
Taariikhdu ma xusto oo kaliya madaxdii xukunka haysay. Waxay sidoo kale si weyn u xustaa kuwii muujiyay dhiirranaanta ay ku difaaceen danta guud, kuwii u hawlgalay baajinta masiibooyinka qaran, iyo kuwii doortay aamusnaanta xilligii uu dalku aadka ugu baahnaa.
Dowladnimada Soomaaliya waa dhaxal qaran oo ku timid halgan tobannaan sano soo socday iyo naf-hurnimo aad u weyn. Ma aha mulki u gaar ah dowlad gooni ah, xisbi siyaasadeed, ama koox xukunka haysa. Waa ammaanad iyo masuuliyad wadaag ah oo ka dhaxaysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidaa darteed, weydiintu waxay weli tahay mid taagan:
Meeye aqoonyahankii Soomaaliyeed iyo haldoorkii miisaanka lahaa ee maanta u kici lahaa badbaadinta mustaqbalka Soomaaliya?
Soomaaliya ma ahan inay sugto musiibo kale oo qaran si ay u garato qiimaha ay leedahay dowladnimadu. Waxa dalku u baahan yahay waa damiir qaran oo toosa, hoggaan diyaar u ah qaadashada talada toosan, iyo aqoonyahan leh dhiirranaanta ay runta kaga hadlaan.
Qaranka waa in la badbaadiyaa inta ay jirto fursad lagu saxo jihada uu ku socdo—ee ma aha marka uu burburku noqdo xaqiiqo aan dib looga soo noqon karin.
Qore: Danjire Ali Mohamed Mohamud CagabarurDanjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay UgandaSii-hayihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee PakistanDiblomaasi iyo Falanqeeye Siyaasadeed