Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaartey Inter, Rodrygo Oo

Real Madrid ayaa guul ay aad ugu baahnayd ka gaadhay Inter Milan oo ay kaga adkaatay 3-1, waxaanay u ahayd guusheedii koowaad ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.Los Blancos oo labadii ee hore marna laga badiyey marna barbarro gashay ayaa waxay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabishay Inter Milan, waxaana gool kaga farxiyey Karim Benzema oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey Achraf Hakimi oo kubbad qaldan bixiyey.Sergio Ramos ayaa Real Madrid madax ugu dhaliyey gool labaad toddoba daqiiqadood oo kaliya…

Diego Maradona Oo Dhiig Madaxa Kaga Furmay, Qalliin Deg-deg

Mucjisadii kubadda cagta iyo xulka qaranka Argentina ee Diego Armando Maradona ayaa lagu samaynayaa qalliin degdeg ah kaddib markii uu dhiig kaga furtay madaxa, isla markaana ay xididdada dhiigga ee maskaxda qaarkood guntimo xinjiro ahi ku samaysmeen. Warkan dhiillada leh oo soo dhacay maalin kaddib markii halyeygan cusbitaalka loola cararay xilli uu dhulka ku dhacay isaga oo tababaraya kooxdiisa, ayaa waxa la sheegay in markii hore looga shakisanaa xanuunka Korona Fayras, kaas oo dhakhaatiirtiisu ay sheegeen inuu…

27 Jeer Ayuu Kubadda Lumiyey Kulankii Alaves – Rikoodhka

Sannadkan 2020 waxa uu ku ahaa Barcelona mid aad u adag oo ay lasoo kulmeen dhibaatooyin aan xataa saadaasha ugu sii jirin markii hore, waxaana marka laga yimaaddo guul-darrooyinka ciyaareed iyo dhinaca koobabka uu u noqon doonaa mid lagu xasuusto inay Blaugrana lumisay qaar ka mid ah ciyaartoygeedii ugu saamaynta badnaa, halka uu xiddigooda ugu wanaagsanaa taariikhdana diiwaanka loo gelinayo qaab ciyaareedkii ugu liitay muddo toban sannadood ka badan.Lionel Messi oo qaatay go’aan ah inuu kusii negaado Camp Nou markii ay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Madrid vs Inter Milan –

Real Madrid ayaa kusoo gashay shax adag kulanka muhiimka u ah xili ciyaareedkooda sannadkan ee tartanka Champions League ee ay ku qaabilayaanInter Milan.Los Blancos oo dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena ay middii koowaad si naxdinle isla garoonka ay ciyaartan caawa ka dhacayso ee Alfredo Di Stefano ay ugaga badisay Shakhtar Donetsk oo 3-0 ku hoggaaminaysay waqtigii nasashada iyo ciyaartii labaad oo Borussia Monchengladbach ay 2-2 ku kala baxeen ayaa waxay raadinaysaa guushii ugu horreysay.Tababare Zinedine…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Atalanta vs Liverpool – Jurgen

Liverpool ayaa ku sugan waddanka Talyaaniga oo ay kula ciyaarayso kooxda Atalanta, waxaanay u baahan tahay inay guushii saddexaad gaadho, halka kooxda martida loo yahayna ay guul iyo barbarro soo heshay oo ay hoggaanka u qaban doonto Group D haddii ay libinta gacanta ku dhigto.Liverpool oo dersin ciyaartooyo ahi dhaawac ka ahaayeen ayay usoo laabteen Joel Matip oo Jurgen Klopp ka furanaya dhibaatooyinkii difaac. Sidoo kale Naby Keita ayaa kooxda kusoo laabtay shan ciyaarood oo uu maqnaa kaddib, balse Thiago Alcantara ayaa…

LABADA Shaxood Ee Frank Lampard U Safi Karo Chelsea Kulanka

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay habeen dambe oo Arbaca ah ku martigelin doontaa kooxda reer France ee Rennes oo ay ku ballansan yihiin kulankooda Champions League.Blues ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxay ku ciyaartay saddex shaxood oo kala duwan oo hadba uu qaar usoo safay tababare Frank Lampard. Shaxda hore ayaa ahayd 4-3-3, shaxda labaadna waxay ahayd mid xagga weerarka u jan-jeeddha, dhexdana aan la illoobayn oo ahayd 4-2-3-1, halka tan ugu dambaysana difaaca uu yareeyey oo uu dhexda iyo weerarka awoodda…

Manchester United Oo Shaacisay Liiska 24ka Xiddig Ee Kulanka

Manchester United ayaa 24 ciyaartoy ula safartay waddanka Turkiga oo ay kulankooda saddexaad ee Champions League ee xili ciyaareedkan ku waajahayaan Istanbul Basaksehir.United ayaa waxa ka maqan ALex Telles oo laga helay xanuunka Korona Fayras, isla markaana ku jira karantiil, balse waxa kooxda qayb ka ah weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee  horyaalka Premier League ku maqnaa ganaax.Saxeexa cusub ee Facundo Pellistri ayaan safarka qayb ka ahayn, waxaanu joogi doonaa…

Kulanka Barcelona iyo Dynamo Kiev Oo Go’aan Laga Gaartey –

Kulanka Champions League ee Barcelona ay Arbacada ku martigelin doonto kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev ayaa shaki weyn ku jiray inuu qabsoomi doono, kaddib markii ku dhowaad toban ciyaartoy ay Dynamo shaacisay inuu kaga dhacay xanuunka Korona Fayras.Kooxda reer Ukraine ayaa soo magacowday kaliya 13 ciyaartoy oo heerka koowaad ah oo Camp Nou u imanaya ciyaarta saddexaad ee Group-kooda ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana mar kale lagu sameeyey baadhitaano cusub oo lagu hubinayo haddii ay iyaguna…

Ole Gunnar Solskjaer Iyo Harry Maguire Oo U Jawaabay Roy

Ole Gunnar Solskjaer iyo Harry Maguire ayaa meesha ka saaraya eedeyntii uu Roy Keane u soo jeediyay isbuucaan isagoo sheegay in Man United ay ka maqan yihiin hogaamiyayaal.Kabtankii hore ee Man United ayaa si xun u dhaleeceeyay ciyaartoyda Red Devils ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Arsenal kulankii Old Trafford.Laakiin Solskjaer ayaa sheegay inuu United ku heysto ciyaartoy xoogan, wuxuuna ku taageeray kooxdiisa inay jawaab fiican ka bixin doonto guuldaradii Arsenal.“Roy mar walba waxa uu ahaa mid hadal badan” ayuu…

Tababaraha Waalan Ee Inter Milan Ee Maamula Cuntada

Antonio Conte ayaa garoonka Estadio Alfredo Di Stefano imaanaya caawa iyadoo Inter Milan ay wajaheyso Real Madrid tartanka Champions League. Tababaraha Talyaaniga ayaa ah shaqsi caan ka ah Yurub oo lagu yaqaano dabeecadiisa waalida ah iyo dishibiliinka adag ee uu ku soo rogo ciyaartoydiisa.Wuxuu ku dhashay magaalada Lecce sannadkii 1969kii, Conte ayaa ka soo gudbay waqtiyo adag isagoo noqday shaqsi ku dhegan dhaqankiisa, wuxuuna taasi u soo gudbiyay qaabkiisa tababarenimo.Koox walba oo tababare ka dhigaya Conte waa qasab…