Miyuu Jadon Sancho Xilli Dambe Borussia Dortmund Ku Cadaadin

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa ah mid uu qorshe uga yaalo haddii uu doonayo inuu kooxdaas ku qasbo inay xilli dambe u fasaxdo inuu ku biiro Manchester United maalmaha ugu dambeeya suuqa xagaagan.

Man United ayaa gudaha Usbuucan dalab cusub ka gudbisay Sancho kaas oo ahaa 73 Milyan oo qadin ah iyo waliba shuruudo ugu dambayn heshiiska 91 Milyan oo Pound gaadhsiinaya.

Si kastaba, dalabkaas ayaa noqday mid aad uga hooseeya lacagta 108-da Milyan ee Pound ah ee ay Dortmund ku doonayso da’yarkeeda, United ayaa aaminsan in lacagtaasi ay tahay mid badan marka la eego cimilada dhaqaale ee maanta.

Iyadoo uu farqigaasi u dhaxeeyo labada kooxood ayaa la filayaa haatan inaysan Man United miiska soo saarin dalab wanaagsan oo ku qasbi kara Jadon Sancho inuu dhiniciisa ka riixo Dortmund oo uu ku qasbo inay fasaxaan.

Sancho ayaa laba bilood kahor u sheegay Dortmund inuu ku biiro Red Devils isaga oo loolan uu diyaar u yahay u arka xaqiiqada ah inuu ku laabanayo England oo uu hore uga soo tagay gaar ahaan Manchester City.

Madaxda sarre ee Dortmund ayaa aqbalay go’aanka Sancho waxaana ay tan iyo wakhtigaas diyaar u ahaayeen inay 108 Milyan oo Pound ku diraan haddii ay helaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More