Mesut Ozil ayaa tilmaamay afartii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Arsenal kulankii xalay ay guusha xilliga dambe ah ka gaadheen naadiga Rapid Vienna oo gool kala hor maray.Arsenal ayaa xalay ku sugnayd waddanka Austria oo ay kulankeeda ugu horreeya ee tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan isku haleeleen Rapid Vienna, taas oo ay kaga soo adkaatay 2-1.Kulankan oo ka dhacay garoonka Allianz Stadion, waxa Arsenal laga dhaliyey bilowga qaybta dambe kaddib markii uu goolhaye Bernd Leno sameeyey qalad, laakiin David Luiz ayaa u…