Paolo Maldini Oo Magacaabay SADDEXDII Ciyaartoy Ee Uu Ugu

Halyeygii difaaca AC Milan iyo xulka qaranka Talyaaniga ee Paulo Maldini ayaa shaaciyey magacyada ciyaaryahannadii uu ugu necbaa waqtigii uu ciyaartoyga ahaa, waxaanay yihiin xiddigo waaweyn oo joojintooda iyo xakamayntooduba ay aad ugu adkaatay.

Maldini oo ay da’diisu tahay 52 jir, waxa uu ku jiraa difaacyahannada ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta, waxaanu cimriqiiga ku dhamaystay AC Milan oo bilow illaa dhamaad uu soo dhex-taagnaa.

Muddadii dheerayd ee uu ciyaartoyga ahaa, waxay iska hor yimaaddeen ciyaaryahanno badan oo ku jiray xilliyadoodii ugu wanaagsanaa, iyadoo ay waliba dheerayd in waqtiga uu Maldini ugu wanaagsanaa ay inta badan xiddigaha dunidu ka ciyaari jireen Talyaaniga.

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Brazil ee Ronaldo ‘Phenomenal’ ayaa ka mid noqday xiddigaha uu Maldini ugu necbaa inay iska hor yimaaddaan sababtoo ah farsamadiisa, orodkiisa iyo in aanu isku dhibi jirin inuu dhaafo difaacyahannada, gool-hayeyaashana dhulka ugu tuuro ka hor inta aanu dhinac ka marin.

Zinedine Zidane iyo Diego Maradona ayuu iyagana tilmaamay inuu necbaa inay ka hor yimaaddaan, sababtoo ah, waxa ku adkayd inuu xakameeyo.

Paulo Maldini oo u warramay wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa yidhi: “Ciyaaryahannadii iigu adkaa waxay ahaayeen Diego Maradona, Ronaldo oo layaab ahaa laba sannadood oo uu Inter joogay iyo Zinedine Zidane.’

Maldini oo ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii 2009kii isaga oo Milan kula guuleystay toddoba horyaal oo Serie A ah, waxa uu hadda ka mid yahay madaxda naadigiisa hore oo uu xil agaasime ka hayaa.

Dhinaca kale, Ronaldo Nazario ayaa isagana mar uu waraysi bixiyey waxa  la weydiiyey difaacyahannadii ugu adkaa ee uu waajahay, waxaana uu markiiba lasoo booday Paulo Maldini.

“Difaacii ugu adkaa ee aan abid waajahay intii aan xirfadda ciyaareed ku jiray? Waa Paulo Maldini. Waxa kale oo jiray difaacyahanno Talyaani ah oo adkaa, sida Fabio Cannavaro, Alessandro Nesta iyo Pietro Vierchowod.” Ayuu yidhi Ronaldo Nazario.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More