Ii Fasaxa!! Xiddig Chelsea Ah Oo Doonaya Inuu Jose Mourinho

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger oo bixitaan lala xidhiidhinayo ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ku biiro kooxda ay London kasoo wada-jeedaan kuna xifaaltamaan Blues ee Tottenham.

Rudiger ayaa hoos uga dhacay xulashada tababare Frank Lampard isaga oo aan kusoo baxayn liisaska kulamada kooxdiisa tan iyo markii uu bedel aan la isticmaalin ka noqday kulankii ay kooxdiisu la yeelatay Brighton toddobaadkii furitaanka.

27 sano jirkan ayaa la filayaa inuu markale seegi doono kulanka ay Chelsea maanta Stamford Bridge kusoo dhawaynayso kooxda Crystal Palace xilli uu isaguna raadinayo inuu kooxda ka tago kahor xidhitaanka suuqan oo Isniinta ku beegan.

Sida uu sheegayo hadda il-wareedka The Athletic, kooxda uu doonayo inuu Rudiger ku biiro ayaa ah Tottenham iyadoo ay warbixintu intaas ku darayso in xaqiiqada ah in jamaahiirta kooxdaasi ay xilli ciyaareedkii hore cunsuriyad kula kaceen aysan bedeli doonin go’aankiisa.

Rudiger ayaa sheegay in cunsuriyadu ay guuleysatay kaddib markii dambi lagu waayay taageerayaasha Tottenham oo uu sheegay inay qaylada daanyeerka oo kale ku sameeyeen balse midaas ayaa go’aankiisa saamayn doonin.

Kooxda waqooyiga London fadhigeedu yahay ayaa dhigeeda Inter Milan kala xaajoonaysay saxeexa Milan Skrinian laakiin Jose Mourinho ayaa hadda la sheegayaa inuu doonistiisa ku darsaday daafaca ree Germany.

Si kastaba, Chelsea ayaan iyadu doonayn oo aad uga cago-jiidaysa inay Rudiger qaab amaah ah ku siiso Spurs oo xidhiidhkoodu uu ahaa mid xun tan iyo markii uu Roman Abramovich la wareegay Blues.

Sidoo kale Chelsea ayaa wali ka cadhaysan in Tottenham ay saxeexa Fernando Llorente ku garaacday sanadkii 2017 iyadoo uu Antonio Conte aad u doonayay wakhtigaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More