Shaxda Rasmiga Ah Ee Leeds vs Man City – Guardiola Oo

Manchester City ayaa dooneysa inay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka Premier League ka dib xasuuqii isbuucii la soo dhaafay ka soo gaaray kooxda Leicester City iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda Leeds United oo marti loo yahay.

- Advertisement -

Tababare Pep Guardiola ayaa kulankiisii ugu horeysay ku soo bilaabay daafaca dhexe Ruben Dias kaasoo 62 milyan ginni isbuucaan uga soo wareegay kooxda Benfica.

Weeraryahanada Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus ayaa weli dhaawac ku maqan taasoo la micno ah Sterling uu ka ciyaaro booska 9ka beenta ah iyadoo ay caawinayaan Mahrez iyo Torres.

Joao Cancelo iyo Oleksandr Zinchenko ayaa iyagana dhaawac ah halka Stones uu taam u noqday inuu kursiga keydka soo fariistyo iyadoo Laporte uu ka garab ciyaarayo Dias.

Ake, Silva iyo Fernandinho ayaa iyagana kursiga keydka fadhiya halka Ilkay Gundogan uu seegayo kulankaan.

SHAXDA RASMIGA AH:

Leeds United: Meslier, Ayling, Cooper, Koch, Klich, Dallas, Alioski, Phillips, Costa, Roberts, Bamford.

Leyd: Caprile, Poveda-Ocampo, Llorente, Moreno, Strujik, Davis, Shackleton.

Manchester City: Ederson, Walker, Mendy, Dias, Laporte, Rodrigo, Foden, De Bruyne, Torres, Mahrez, Sterling.

Keyd: Steffan, Stones, Ake, Silva, Fernandinho, Delap, Palmer.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More