Inkaarta Dhaawacyada Real Madrid Oo Sii Socota, Xiddig Lagu

Daafaca midig ee kooxda Real Madrid ee Alvaro Odriozola ayuu soo gaadhay dhaawac qalbi jab ku ah kooxdiisa oo hore u shaacisay dhaawaca xiddigii ay Odriozola isku booska ahaayeen ee Dani Carvajal.

Real Madrid ayaa shalay uun warbixin rasmi ah kasoo saartay dhaawaca Carvajal waxaana ay taageerayaasha kooxdeedu filanayeen in Odriozola uu booskiisa sii buuxin doono mudada uu ka maqnaanayo Carvajal garoomada oo laba bilood lagu sheegay.

Sida ay haatan shaacisay Real Madrid, Alvaro qudhiisa ayaa ku biiray liiska xiddigaha dhaawacan ee Los Blancos taas oo qasbaysa in Zidane uusan daafac midig haysan doonin kulanka ay berrito la yeelanayso dhigeeda Levante.

Zidane ayay macquul tahay inuu booska daafaca midig berri u adeegsado Lucaz Vazquez oo asal ahaan garab weerar ah haddiiba uusan Ferland Mendy u adeegsan booskaas oo aanu Marcelo Vieira booska daafaca bidix kusoo bixin.

Nooca dhaawac ee baadhitaanka lagu sameeyay lagaga helay Alvaro ayaa ah mid lugta midig ah, waxa la filayaa inuu maqnaan doono laba ilaa saddex toddobaad.

Haddiiba aysan mudadu kusii dheeraan, Alvaro ayaa diyaar u noqon doona kulanka El-Classico ee ay Barcelona la yeelan doonaan 25-ka bishan October.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyada Real ayaad moodaa inay kusoo beegmayaan xilli ay wakhti muhiim ah geli doonaan dhawaan waxaana si lamid ah Alvaro dhaawacyo haatan qaba Eden Hazard, Toni Kroos, Dani Carvajal iyo Eder Militao.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More