Chelsea Oo Gurigeeda Ku Xasuuqday Crystal Palace, Saxiixooda

Chelsea ayaa ku soo noqotay wadada guusha iyadoo 4-0 ku xasuuqday kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd Stamford Bridge xilli saxiixooda cusub Ben Chiwell uu wacdarro dhigay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee uu Chelsea u safto.

Ben Chilwell ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Chelsea waxa uu isku darsaday gool iyo caawin halka Jorginho uu isna labo rigoore u saxiixay kooxda Chelsea iyadoo sidoo kale Kurt Zouma uu shabaqa soo taabtay.

Guushaan ayaa ka dhigan in Chelsea ay wadada guusha ku soo noqotay ka dib barbarihii ay la galeen West Brom isbuucii la soo dhaafay iyo guuldaradii Carabao Cup ee ka soo gaartay Tottenham.

Tababare Lampard ayaa kulankaan ku soo bilaabay markii ugu horeysay goolhaye Mendy iyo daafaca bidix Ben Chilwell halka ay sidoo kale ku soo bilowdeen shaxda saxiixyada kale ee cusub ee Thiago Silva, Kia Havertz iyo Timo Werner, xiddiga kaliya ee saxiix cusub ah ee ka maqnaa shaxda waa Hakim Ziyech oo dhaawac ah.

Chelsea ayaa ciyaarta maamuleysay qeybtii hore iyagoo kubada heystay boqolkiiba 73 laakiin ma aysan abuurin fursado badan oo gool loo fishay iyadoo difaacashada Palace ay aheyd mid adag.

Timo Werner ayaa ciyaarta ku dhex lumay qeybtii hore laakiin waxaa si weyn u muuqday Kante kaasoo ahaa mashiinka khadka dhexe ee Chelsea isagoo kubada u soo celinayay mar walba oo ay Palace kubada hesho.

Goolhaye Mendy ayay sidoo kale u aheyd bilowgii ugu fiicnaa qeybtii hore ee ciyaarta isagoo aan wax badbaadin ah sameynin, xaqiiqdiina kubada wuxuu taabtay sideed jeer, sideed baas uu sameeyay wuu wada dhameystiray.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, waana kulankii seddexaad ee Premier League ee ay Chelsea barbaro goolal la’aan  ah ku dhameysato qeybta hore ee ciyaarta markii ugu danbeysay ee ay sidaan ku dhacdo waxay aheyd bishii Agoosto 2018.

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad ee ciyaarta ayay Chelsea hogaanka u qabatay iyadoo uu shabaqa u soo taabtay saxiixooda cusub Ben Chilwell kaasoo gool ugu dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee Chelsea.

Goolka ayaa yimid markii daafaca Crystal Palace Sakho uu ku guuldareystay inuu kubada iska bixiyo, waxayna aakhirkii u tagtay Ben Chilwell kaasoo darbo kulul dhex dhigay shabaqa isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Guaita, gool ayuuna dhaliyay kulankiisii 100aad ee Premier League.

Ben Chilwell waa ciyaaryahankii 23aad ee Chelsea ee gool dhaliya kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, waana xiddigii Ingariis ee ugu horeeyay ee sidaas sameeya tan iyo Paul Hughes markii uu gool ka dhaliyay Derby County bishii Janaayo 1997.

Daqiiqadii 66aad ayay Chelsea heshay goolkii labaad ee ciyaarta markii karoos cajiib ah uu garabka bidix ka soo qaaday Chilwell, waxaana madax ku dhaliyay daafaca dhexe Kurt Zouma. Chilwell ayaa maanta kulansaday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, goolkiisii ugu horeeyay iyo caawintiisii ugu horeysay.

Daqiiqadii 76aad Chelsea ayaa rigoore loo dhigay ka dib markii daafaca Crystal Palace uu xerada ganaaxa qalad kula galay Tammy Abraham, waxayna aheyd rigoore cad oo uusan garsooraha ka labalabeynin.

Waxaa rigoorada u soo istaagay khabiirka rigoorooyinka ee Chelsea Jorginho kaasoo dhinac qaldan u diray goolhayaha islamarkaana gool ku laadka u sarifay gool.

Chelsea ayaa rigoore kale loo dhigay daqiiqadii 81aad markii uu daafaca dhexe Sakho uu qalad xerada ganaaxa kula galay Kai Havertz, rigoorada waxaa u soo istaagay Jorginho laakiin waxaa ku qabsaday Tammy Abraham inkastoo kabtan Azpilicueta uu ku qanciyay Tammy Abaraham inuu kubada u daayo Jorginho.

Jorginho ayaana gool u sarifay rigoorada mar kale isagoo dhinac qaldan u diray goolhayaha.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 4-0 oo ay Chelsea ku xaaqday Crystal Palace iyagoo haatan leh 7 dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More