Rio Ferdinand Oo U Sheegay Chelsea Xiddig Ay Tahay In
Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa u sheegay Chelsea inay ka faa’iidaystaan maalmaha hadhay suuqa iibka ciyaartoyda oo ay Arsenal ka hor qaadaan laacib kubbad-burburiye iyo sameeyeba ah oo muddo dheer uu Mikel Arteta ku raad-joogay.
- Advertisement -
Chelsea ayay diiraddeedu haysaa laacibka reer England ee Declan Rice oo West Ham ka tirsan, laakiin Rio Ferdinand ayaa rumaysan in xiddiga ay u baahan yihiin aanu ahayn laacibkan.
Rio Ferdinand waxa uu sheegay in Thomas Partey oo khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid, in muddo ahna lala xidhiidhinayay Arsenal uu yahay mid buuxin kara meelo ay Blues ka liigayso, sidaas darteedna ay u huraan 50 milyan oo Euro oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo.
Isaga oo ka hadlayay telefishanka BT Sports, waxa uu Rio Ferdinand yidhi: “Waxa ugu weyn ee Chelsea ay u baahan tahay waa inay joojiyaan goolasha ka dhalanaya. Waxay ila tahay in Lampard uu xili ciyaareedkii hore arkay, saddex ka mid ah afarta dambe ee hadda ciyaarayaana waa ciyaartooyo cusub.
“Waxay tahay inuu arko taas, goolal badan ayaa laga dhalinayaa, waana goolashii ugu badnaa ee muddo 22 sannadood ah laga dhaliyey kooxda. Waxa muhiimka ah ee maanta aynu u sheegayno waa Partey oo meelahaa dhexe u yimaadda.
“Waxay ila tahay in Lampard aanu ku faraxsanayn Kovacic ama Jorginho, sababtoo ah, waxaad arkaysaa isaga oo boosaskaas ibeddello ku samaynaya.”
Rio Ferdinand oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Waxay u baahan yihiin inay helaan qof ilaaliya afarta dambe ama shanta oo weheliya Kante oo hore ugu socda inay joojiyaan goolasha laga dhalinayo.”