Muxuu Frank Lampard Ka Yiri Rigooradii Uu Tammy Abaraham Ku

Tababare Frank Lampard ayaa ka hadlay dhacdadii uu weeraryahan Tammy Abraham rigoorada kula dhegay Jorginho dhamaadkii ciyaarta markii Blues loo dhigay rigooradii labaad ee kulankii ay 4-0 ku xaaqeen Crystal Palace.

Iyadoo ciyaarta ay mareyso 3-0 islamarkaana uu Jorginho u saxiixay rigooradii koowaad ee kooxda loo dhigay ayay Chelsea heshay rigoore labaad daqiiqadii 81aad ee ciyaarta markii uu Sakho xerada ganaax qalad kula galay Kai Haverz.

Tammy Abraham ayaa durbadiiba kubada ku booday si uu u tuuro rigoorada halka Jorginho uu diyaar u ahaa inuu mar labaad tuuro rigoorada madaama uu yahay xiddiga koowaad ee Chelsea ee rigoorooyinka u tuura.

Abraham ayaa ka dhega adeegay inuu kubada ku wareejiyo Jorginho laakiin waxaa gacantiisa ka maroojiyay kabtan Azpilicueta kaasoo ku qasbay inuu kubada iska dhiibo kuna qanciyay in Jorginho uu yahay xiddiga koowaad ee rigoore tuurista.

Abraham ayaa isagoo ka xun ogolaaday hadalka kabtankiisa, Jorginho ayaana saxiixay rigoorada isagoo xaqiijiyay in Chelsea ay 4-0 ku badiso.

Ciyaarta ka dib, TV-ga BT Sport ayaa weydiisay tababare Lampard dhacdada uu Tammy Abaraham rigoorada ku qabsaday Jorginho, isagoo sheegay inuu arintaas ku xaliyay qolka labiska islamarkaana uu ku soo canaantay Abraham, wuxuuna ku jawaabay:

“Wax ayaa laga qabtay. Dhibaato ma jirto. Wax ayaa la qabtay. Waxaan doonayaa hogaamiyayaal iyo xoogaa yar oo khilaaf ah.

“Way fiican tahay in Tammy uu xamaasad badnaa laakiin kama hor boodi kartid liiska rigoore tuurista.”

Jorginho ayaa ah xiddiga ku qoran inuu rigoorooyinka u tuura Chelsea inta ay ciyaarta socoto, sidaasi darteed Jorginho ayay iska leh go’aanka haddii uu isagu tuurayo ama cid kale ku wareejinayo mas’uuliyada rigoore tuurista.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More