Daawo Goos-Gooska Laga Sameeyay Wacdarihii Uu Chelsea U

Kulankii ugu horeeyay ee Premier League ee Ben Chilwell uu u safto Chelsea waxa uu dhigay wacdarro weyn isagoo ciqaabay kooxda kale ee reer London ee Crystal Palace.

Ka dib si aayar ah uu ku bilowday qeybtii hore, daafaca bidix ee Ingariiska ayaa la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah qeybtii labaad isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday mid kale kulankii ay Blues 4-0 ku badisay ee ka dhacay Stamford Bridge.

Chilwell ayaa furay goolasha ka dib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad ay iska bixin waayeen Crystal Palace ka hor inta uusan soo qaadin karoos uu madax ku dhaliyay Kurt Zouma.

Xiddigii hore ee Leicester City ayaa sidoo kale wacdarro ka dhigay dhanka difaaca isagoo dhowr jeer kubada halis noqon karay ka difaacday Crystal Palace, wuxuuna gacan weyn ka geystay in Chelsea ay ilaashato shabaqa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Ka dib markii ay daawanayeen Marcos Alonso oo ku dhibtoonaya garabka bidix ee daafaca mudadii uu Lampard tababaraha ahaa, taageerayaasha Chelsea ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareedkii Ben Chilwell ee maanta iyagoo aaminsan inay xiddig weyn u heleen booska daafaca bidix.

Taageere ayaa muuqaal goos-goos ah ka sameeyay qaab citaareedkii uu Ben Chilwell maanta ku noqday xiddiga garoonka, halkaan hoose ka daawo:

Ben Chilwell Vs Crystal Palacepic.twitter.com/qm4VMXxWCl

— BNS Comps (@BnsComps) October 3, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More