Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea vs Crystal Palace –

Kooxda Chelsea oo doonaysa inay kasoo kabato dib u dhacyo ay lasoo kulmaysay kulamadii ugu dambeeyay ayaa gegideeda Stamford Bridge ku qaabilaysa kooxda ay London kasoo wada-jeedaan ee Crystal Palace oo marti u ah.

Chelsea ayaan guul soo arag saddexdii kulan ee ugu dambeeyay iyagoo laba guuldarro kala soo kulmay Liverpool iyo Tottenham halka ay bar-bardhac lasoo galeen kooxda horyaalka ku cusub ee West Bromwich Albion.

Dhinaca kale Crstal Palace oo labadii kulan ee hore ee Premier League guuleysatay ayaa toddobaadkii hore guuldarro kala kulantay Everton waana sababta ay u doonayaan inay maanta tubta guulaha dib ugu soo laabtaan.

Lampard ayaa kulankan kusoo wada bilaabay shantiisa saxeex ee kala ah goolhaye Mendy, Havertz, Thiago Silva, Timo Werner iyo Benjamin Chilwell, si lamid ah Hudson-Odoi iyo Tammy Abraham isaga oo keydka dhigay Mason Mount iyo Reece James.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Chelsea: Mendy, Azpilicueta, Zouma, Silva, Chilwell, Jorginho, Kante, Havertz, Werner, Hudson-Odoi, Abraham

Crystal Palace:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More