Browsing Tag

oo

Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Aqalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalada looga xureeyey kooxda Al-shabaab deegaano badan oo…

Gobaladda Waqooyi iyo Ingiriiska oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

 Khamiis,  May, 16, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Aqalka ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga Gobaladda Waqooyi.Sida madaxtooyadu baahisay kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayiin dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo Gobaladda Waqooyi iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka la filayo.Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gobaladda Waqooyi ku amaanay…

Burcad badeed Soomaali ah oo lagu wareejiyay jasiiradda Seycheles si loo maxkamadeeyo

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ee lagu sugayo ammaanka badda Soomaaliya iyo ka hortagga burcad-badeedda, ayaa lagu wareejiyay burcad badeeddii weeraray markab ganacsi oo ka babanayay calanka jasiiradaha Marshall.Howlgalka Atalanta ayaa burcad badeeddan kusii wareejiyay Jasiiradda Seychelles, si halkaas loogu maxkamadeeyo burcad badeedda.Ugu yaraan Lix burcad badeed ayaa weeraray markabka Chrystal Arctic goor dambe oo ahayd isniinti 13-kii May.Weerarka ayaa dhacay markii dooni yar oo ay la…

Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo Miino kula qaraxday gobolka Gedo

 Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Shalay galinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa magaaloyinka Baled xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Cinjirka.Qaraxa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad rakaab ah, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa miino ku d hintay laba ruux ka mid ahaa rakaabka saarna gaariga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 5 ruux oo kale.Gaariga rakaabka ahaa ee dadka shacabka ah saarnayeen ayaa la soo wariyay in gabi ahantiis…

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo oo markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka Golaha Wadatashiga

 Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, shirkaas oo ka socda Muqdisho.Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsanayd xaaladaha guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu u baahan yahay inuu helo xuquuqda dastuuriga ah ee uu ku leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.Golaha Wadatashiga…

Xukumadda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howgalo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Cali Heelle iyo Baraag Sheekh Caamir , waxaana deegaanka Cali Heelle lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, halka deegaanka Baraag Sheekh Caamir lagu dilay 5 xubnood oo kale."Hawlgalka…

Meydka nin horey u ahaan jiray Askarta Liyuu Boolis oo laga helay magaalada Jigjiga

Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada laga helay meydka nin lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi kaas oo galinkii hore ee maanta isagoo gawracan laga helay xaafadda 16aad ee magaalada Jigjiga.Lama ogaan wali cidda sida arxan darrada ah u dishay ninkan, balse Askarta Booliska magaalada Jigjiga oo soo gaaray goobta lagu arkay meydka marxuumkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono meydka, isla markaana natiijada baadhistaas iyo cidda…

Duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.Howlgalka kowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, halka howlgalka labaadna uu ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.Howlgalada ka dhacay deegaanka Cali hayle iyo Baraag…

James Swan oo mar kale loosoo magacaabay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 Arbaco, May, 15, 2024 (AX) - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa  James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u maagacaabay inuu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).Mr. Swan ayaa u shaqayn doona sidii Ergeyga Gaarka ah muddo ku meel gaar ah ka dib bixista Catriona Laing oo ahayd ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo dhawaan xafiiska ka tagaysa, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag…

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho

Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Aqalka dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare Xame Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo maamulka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More