Waqooyi Bari iyo Galmudug oo xabbad joojin ka hirgaliyay deegaanada lagu dagaalamay ee Galbeed Mudug

 
Sabti, Juun, 29, 2024 (AX) – Wafdi ka kala socday Waqooyi Bari iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in xabbad joojin lakala dhex dhigo labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee Galbeedka gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 50 qof.
Wafdiga ayaa  maalin ka hor gaaray goobihii dirirtu ka dhacday ee duleedka Jiicboor, iyagoo  ugasii gudbay Saaxo-qurun, waxaana safarka ujeeddadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dagaal beeleedka daba dheeraaday ee ka taagan Galbeedka Mudug.
Wafdiga oo la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay ayaa xoogga saaray sidii loo joojin lahaa xabbadda iyo dhiigga daadanaya.
Kulamo gooni gooni ah ayay la qaateen maamulada gobolka Mudug Waqooyi Bari iyo Galmudug, horjoogayaasha ciidamada iyo odayaasha.
Wafdiga ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay labada dhinacba ku qanciyaan xabbad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.
Si kastaba ha ahaatee, goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah kuwa nabad ah, inkastoo saansaanta colaadda weli laga dareemayo degaanada ay kasoo kala jeedaan labada maleyshiyo beeleed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More