Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho

Talaado, May, 14, 2024 (AX) – Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Aqalka dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare Xame Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirkaan waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
“Hogamiyayaasha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka Dastuurka dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalka Soomaaliya.
Shirkaan ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka maqan oo qaadacay kasoo qeyb galkiisa madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran aan kasoo qeyb gelin, kadib markii uu shaaca ka qaaday in kalsoonidii kala noqday hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Shirkaan oo aan la shaacin mudada uu socon doono ayaa la filayaa gabagabadiisa in madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay soo saaraan go’aano ay si weyn isha ugu wada hayaan dadka Soomaaliyeed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More