Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo oo markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka Golaha Wadatashiga

 
Khamiis, May, 16, 2024 (AX) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa markii ugu horraysay ka qeyb galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, shirkaas oo ka socda Muqdisho.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsanayd xaaladaha guud ee Deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu u baahan yahay inuu helo xuquuqda dastuuriga ah ee uu ku leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Wadatashiga ayaa ku bogaadiyay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo dadaalada SSC-Khaatumo ugu jirto ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Lama oga in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu qeyb buuxda kasii ahaan doono shirka Golaha Wadatashiga qaranka oo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa kulanka ka dib kulamo gaargaar ah la yeesha qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka, isagoo sheegay inuu tagi doono dowlad goboleedyada dalka, si uu wadatashayn iyo taageere ugu helo maamulkiisa curdanka ah.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More