Burcad badeed Soomaali ah oo lagu wareejiyay jasiiradda Seycheles si loo maxkamadeeyo

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) – Hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ee lagu sugayo ammaanka badda Soomaaliya iyo ka hortagga burcad-badeedda, ayaa lagu wareejiyay burcad badeeddii weeraray markab ganacsi oo ka babanayay calanka jasiiradaha Marshall.
Howlgalka Atalanta ayaa burcad badeeddan kusii wareejiyay Jasiiradda Seychelles, si halkaas loogu maxkamadeeyo burcad badeedda.
Ugu yaraan Lix burcad badeed ayaa weeraray markabka Chrystal Arctic goor dambe oo ahayd isniinti 13-kii May.
Weerarka ayaa dhacay markii dooni yar oo ay la socdeen rag hubaysan ay ku soo dhawaatay markabka Chrystal Arctic, waxaana ka dib rasaas is weydaarsaday ilaalada markabka iyo burcadbadeedda.
Markabka Isbaanish ayaa daawayn u sameeyay qaar kamid ah burcad badeeddii ku dhaawacmay is rasaasaynta dhexmartay burcad badeedda iyo ilaalada amni ee markabka
Tan iyo markii la aasaasay 2008dii, howlgalka Atalanta,  Seychelses ayuu ku wareejiyay 177 burcad-badeed ah, kuwaas oo 145 ka mid ah la xukumay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More