Browsing Tag

oo

Wafdi uu hogaaminaayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo Maanta gaaray degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Waxaa Maanta degmada Halgan ee gobolka Hiiraan si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.Wafdiga Ugaaska beelaha Xawaadle ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaal dhaqameed, Culuma'udiin, Dhalinyaro, Haween, Ganacsato, kuwaas oo ka ambabaxay barqanimdii maanta degmada Buula burte oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Ugaaska.Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweeyn qiimaheedu…

Ciidamada Xukumadda oo gacanta ku dhigtay shidaal iyo budada qarayxada laga sameeyo oo u rarnayd Alshabaab

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Gor-gor oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 150 Jirgaan oo ay ku jireen Shidaal iyo budada laga sameeyo qaraxyada.Howlgalka lagu qabtay agabkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen macluumaad ku saabsan arrintan.Saraakiil katirsan ciidanka ayaa sheegay in shixnadkaasi ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ayna ku wajahnayd deegaannada ay kooxdaasi ka taliso,…

Hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle oo si adag uga hadlay khilaafka iyo tabashada reer Hiiraan

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Hogaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Shalay gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka mudada dheer u dhaxeeya reer Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle.Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka reer Hiiraan ay ka qabaan jiritaanka maamulka Hirshabeelle inuu saameyn balaaran ku yeeshay horumarka Hirshabeelle, isagoona xusay in haatan loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka.“Waxaan idiin…

6 Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu qabtay isku day afduub oo ay ka geysteen xeebaha gacanta Cadmeed

 Axad, May, 12, 2024 (AX) - Lix nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcadbadeedda Soomaalida ayaa la qabtay kaddib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka cadmeed ee ku teedsan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.Budhcad badeeda ayaa rasaas is waydaarsaday koox ilaalo ah oo saarnaa markab lagu magacaabo Crystal Arctic ka hor inta aanay ku fashilmin isku day ay ku doonayeen inay ku qafaashaan markabkanBudhcad-badeeddu waxa ay ku safrayeen doon yar iyagoo sitay hub iyo…

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab

Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Kuunyabarow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayoow ayaa lagu soo bandhigay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay isaga iyo hubkii uu watay.Ninkaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ee ciidanka dowladda Fedaraalka, waxaana…

Hogaamiye Xasan Sheekh oo fariin xasaasi ah u diray mucaraadaka dowladdiisa

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay Salaadii Jimcaha kadib khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Masajid ku dhex yaala madaxyooyada dalka.Hogaamiyaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, isagoona ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay in dalka laga ciribtiro kooxda Al-shabaab.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu baaqay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladiisa iney kusoo garab is tagaan…

Baledweyne oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga xaflada Caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan.  Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u yimid ka qeybgalka xaflada lagu Caleema saarayo Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas…

Qaramada Midoobay oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM).Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo…

Khabiirka xaquuqul insaanka Soomaaliya oo walaac ka muujisay khilaafka wax ka beddelka dastuurka dalka

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la'aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka.Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo ilaaliyo horumarka kor loogu qaadayo dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.Khabiirka Madaxa bannaan ayaa…

Beeralayda basasha ee magaalada Godey oo ka cabanaya cudur basasha ka dhigaya mid aan la isticmaali karin

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegaya in Beeralayda Basasha ee Godey uu soo wajahay cudur lagu magacaabo Marooriye, kaas oo ku dhacay basashii ay beeralaydu tabcadeen isla markaana ka yeelay basashii mid aan la isticmaali karin.Cabdiqani oo kamid ah beeralayda uu cudurkani saameeyay ayaa Warbaahinta u sharxay qaabka uu cudurkani basasha ugu dhaco isagoo yiri " Basashu waa geed yar oo sida cowska oo kale ah Dabaysha iyo roobka socda ayaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More