Browsing Tag

oo

Askarta Booliiska oo gacanta kusoo dhigay Burcad dhac ka geysaneysay xaafado ka mid ah degmada Waabari

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kusoo qabtay burcad dhac ka geysaneysay.Howlgalka ayaa ciidamadu kusoo qabteen laba nin oo dhalinyaro oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka degan xaafadahaas, waxaana ragaan burcada ah lagu xiray Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.Booliiska ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirada labadaan nin, hubka ay ku dhacayeen dadka iyo mooto Bajaaj ay u…

Waqooyi Bari oo xorriyadoodii usoo celisay ajaanib horey uga tirsanaa kooxda Daacish

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Waqooyi Bari ayaa xorriyadoodii usoo celisey 6 eedaysane oo ajaanib ah oo horey uga tirsanaa kooxda Daacish.Ajaanibtan ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, waxaana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda Waqooyi Bari si loogu diro dalalkoodii.Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka ah, kuwaas oo iyagana katirsanaa kooxda Daacish.Dhallinyaradaan ayaa lagu wareejiyey…

Shirka Wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmaya

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Shirka wadatashiga dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada, ayaa ka fumaya magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan madaxda dowlad goboleedyada ay gaareen magaalada Muqdisho.Shirkan ayaa baaqday bishii hore ee April, in kastoo madaxtooyadu ay sheegtay inuu u baaqday arrimo farsamo, haddana waxaa jiray doodo dhinacyada u dhaxeeyay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.Dhinaca kale, Puntaland ayaa mar kale diidday inay ka qeyb gasho shirka wadatashiga sida uu sheegay wasiirka warfaafinta…

Bosaso: Ciidanka amniga Puntland oo gacanta ku dhigay qaraxyo iyo qofkii watay

Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaraxyo iyo qofkii watay, ka dib howlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso.Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka badda ee Puntland, ayaa lagu sheegay, in ay ciidanku xalay qabteen bambooyinka gacanta ee sababa Qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo eedaysanihii watay qaraxyadaas.Ciidanku waxay sheegeen in qaraxyadan la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.Lama sheegin…

Hogamiyayaasha dowladda iyo madaxdii hore ee dalka oo Hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si isku mid ah hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu caano shubay deegaanka Daara Ugaas oo hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu kula dardaarmayo Ugaaska 21-aad ee Beesha  Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan inuu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay…

Ugaaska Beelaha Xawaadle oo Maanta lagu Caano shubay deegaanka Daaro Ugaas

Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Waxaa Maanta deegaanka Daara Ugaas ee ku yaala duuleedka degmada ee gobolka Hiiraan lagu Caana shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska 21-aad ee beelaha Xawaadle.Munaaaabadda Caana shubka Ugaas Yuusuf ayaa waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, maamulada Hirshabeelle, Hiiraan State iyo boqolaal kale oo dadweyne ah oo isaga kala yimid dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa.Waxaa sidoo kale munaasabada Caano shubka Ugaaska Xawaadle ka qeyb galay qaar ka mid ah…

Soomaaliya oo Baxreyn uga qeyb gashay Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacadda Carabta

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Manama.Kalfadhigan oo ay isugu yimadeen wasiirrada maaliyadda ee dalalka Carabta, ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo looga gol-leeyahay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta kobaca xasilloon ee gobolka.Ajandaha ugu sarreeya ayaa ahaa kobcinta dadaallada iskaashiga ah ee lagu xoojinayo dhaqaalaha waddamada…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin,  May, 13, 2024 (AX) - Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa ku goodiyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, isla markaana uu dhaafi doono Laascaanood.Taliyaha Millateriga Gobaladda Waqooyi Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xukuumada la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badanyahay, isla markaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laascaanood."Dadwaynaha reer Gobaladda Waqooyi waxan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku…

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.Taliyihii hore  ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee golaha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo.Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmay, xilli qaar kamid ah wasiirradii maamulkaasi ay iska casileen xilalkooda, iyagoo qaarkood sheegay in fara galin lagu hayay…

Ugaaska Beelaha Xawaadle oo goordhaw lagu Caana shubayo deegaanka Daara Ugaas

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah loogu Caano shubaya deegaanka Daara Ugaas ee duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Ugaaska beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.Wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa ka qeyb galaysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo haatan ka bilaabatay deegaanka Daara Ugaas oo ah goob u gaar ah Caana shubka Ugaasyada Xawaadle.Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galeysa munaasabada lagu Caana shubayo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More