Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Aqalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.
Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalada looga xureeyey kooxda Al-shabaab deegaano badan oo ka tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.
“Shirka wadarashiga Qaran oo maalintii sadaxaad galay warbixino muhiim ah ayaa looga dhageystay Taliska ciidanka, waxaana shirka madaxda uga arinsanaayeen amniga guud ee dalka iyo soo afjarida kooxda Khawaariijta ah, waxaana la filaya in galabta laga soo saaro shirka natiijooyin miradhal ah oo ku saabsaan waxyaabahii madaxda ka doodayeen mudada sadaxda maalmood ah” ayuu yiri Afhayeenka Hogaamiyaha  Cabdiraxmaan Xudeyfi.
Shirkaan Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa xusid mudan ineysan qeyb ka aheyn maamulka Waqooyi Bari oo horay u qaadacay kasoo qeyb galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More