Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo Miino kula qaraxday gobolka Gedo

 
Khamiis, May, 16, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Shalay galinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa magaaloyinka Baled xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Cinjirka.
Qaraxa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad rakaab ah, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxa miino ku d hintay laba ruux ka mid ahaa rakaabka saarna gaariga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 5 ruux oo kale.
Gaariga rakaabka ahaa ee dadka shacabka ah saarnayeen ayaa la soo wariyay in gabi ahantiis uu burburay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen ilo ku sugan deegaanka
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedaraalka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ku qabsaday gaariga shacabka ah, kuwaas oo halkaas ka sameeyay baaritaano kooban, hayeeshee lama soo warin cid ay kusoo qabteen baaritaanka.
Deegaano ka tirsan gobolka Gedo waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhabagal ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolkaas, waxaana intaas dheer in qaraxyada miinada ay kooxdaasi ku aasto wadooyinka in sidaan oo kale dhibaato uga soo gaarto dadka shacabka ah ee ku safra wadooyinka gobolkaas.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More