Gobaladda Waqooyi oo Soomaaliya ku eedaysay in ay caalamka u tustay in heshiiska Itoobiya uu yahay mid khatar ah
Sabti, May, 18, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibada 18 May ka sheegay in uu dhawaan fulayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in Soomaaliya anay joojin karin.Waxa uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi uu hada gabogaboyahay oo dhawaan qalinka lagu duugi doono, isaga oo Soomaaliya ku eedeeyay in ay adduunka jahawareerisay oo ay heshiiska ka dhigtay mid khatar ah, taasina anay run ahayn."Itoobiya waxay tidhi waxaanu doonaynaa in aad saldhig…