Browsing Tag

oo

Hogaamiye Xasan Sheekh oo degmooyin u aqoonsaday Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley

 Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku aqoonsaday in degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay noqonoyaan Garasbaaley, Daarusalaam iyo Gubadleey.Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ay ka mid noqdeen degmooyinka rasmiga ah ee gobolka Banaadir, isagoona xusay in degmooyinkaan aqoonsiga helay iney soo buuxiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan…

Geerida madaxweynahii dalka Iiraan iyo masuuliyiin kale oo la xaqiijiyay

Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Warbaahinta dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday geerida madaxweynahii dalkaas Ibrahim Ra’isi, Wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay iney dhamaantood ku geeriyoodeen, shil diyaarad hellikobter ah oo ka dhacay dhulka buuralleyda ah ee u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iiraan.Shilka diyaarada Helikabtarka ayaa lala xariiriyay cimilada dhulka buuraleyda oo aheyd mid aad liidatay iyo ceyr yaamo ka jirtay buuraleyda, waxaana sidoo kale la tilmaamay in diyaarada shilka gashay…

Tirada dhimashada cudurka Dacuunka ee gudaha Soomaaliya oo kor u dhaaftay 120 qof

 Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January.10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka dhigan heerka dhimashada kiisaska cudurka Daacuunku inuu gaaray 1.1 boqolkiiba. "Waxaa loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo baahiyaha dadka ay dhibaatadu…

Boosaso: Rag loo haysto inay Alshabaab la shaqayn jireen oo lasoo taagay maxkamadda ciidamada Waqooyi Bari

Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Shan nin oo loo haysto inay kooxda Alshabaab la shaqeyn jireen ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari xarunteeda magaalada Boosaaso.Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si ay howlgallo dilal ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay markii dabagal lagu sameeyay labo…

Shir u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada oo Maanta ka furmay Dhuusamareeb

Axad, May, 19, 2024 (AX) - Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka furmay shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiradda Amniga maamul goboleedyada dalka iyo Taliska Booliiska.Shirkaan ka furmay Dhuusamareeb oo socan doono muda laba maalmood ayaa dhinacyada waxay kaga arinsan doonaan arrimo muhiim ah oo quseeya amniga guud ee dalka.Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Cabdulahi Sheekh Ismaciil Farataag ayaa sheegay in ujeedada shirkaan iney…

Farmaajo: Waxaa nasiib darro in wali hoggaanka dalku sii wado qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danihiisa

 Axad, May, 19, 2024 (AX) - Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku tilmaamay qodobada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, in ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka.Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha shirka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari. Wuxuu sheegay Golaha Wadatashiga inay muujinayaan kalsooni darro ka taagan Golaha dhexdiisa, iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go'aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka.“Waxaa nasiib…

Wabiga Shabeelle oo bilaabay inuu ku fataho xaafado ka tirsan Baledweyne

Axad, May, 19, 2024 (AX) - Qeybo ka mid ah Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.Laamaha Dhagax jibis, Raadeerka, Kutiimo iyo laabka oo ka kala tirsan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ah ayaa ah goobaha ilaa Xalay qoysaska ugu badan ay ka qaxayaan.Qaar ka mid ah dadka ka barakacay xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa inoo sheegay in meelo badan oo…

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

 Axad, May, 19, 2024 (AX) - Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kor u qaaday qaylo-dhaan ku saabsan in dib loo eego qorshaha bixista ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, si looga hortago faaruq amni.Labada hoggaamiye, oo dalalkoodu ay ciidamadooda kamid yihiin howlgalka ATMIS, ayaa sheegay, ka dib kulan ay ku yeesheen Aqalka Nairobi, Khamiistii, inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan-darrada gobolka geeska Afrika, waxayna xaqiijiyeen inay ka go'an tahay…

Howlgal lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

 Axad, May, 19, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 26-aad guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysnaa Xalay ka fuliyay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaaji Eenoow oo ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolka shabeellaha Hoose.Taliyaha Ururka 26-aad ee guutada 6-aad dhame Faarax Maxamuud Xirsi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay qof shacab ahaa

 Sabti, May, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Dable Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsana guutada 27-aad, Ururka 3-aad ee Abuu dujaana, kaasoo horay si bareer ah dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.Askarigaan maanta lagu xukumay ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay ee sanadkan 2024, si ula kac ah ugu dhex dilay goob timaha lagu jarto marxuum Sacad Cabdi Muuse, kadib markii ay ku murmeen dhinaca kala horeynta tima jarista oo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More