Gobaladda Waqooyi iyo Ingiriiska oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

 
Khamiis,  May, 16, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Aqalka ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga Gobaladda Waqooyi.
Sida madaxtooyadu baahisay kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayiin dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo Gobaladda Waqooyi iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka la filayo.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gobaladda Waqooyi ku amaanay horumarka dimuquraadiyadeed ee ay samaysay, iyo nabadgalyada, iyada oo uu madaxweyne Biixi-na u mahadceliyay safiirka.
Xukumadda Ingiriiska ayaa kamid ah daneeyayaasha doorashooyinka Gobaladda Waqooyi, iyada oo gacan ka gaysata horumarinta dimuquraadiyada Gobaladda Waqooyi.
Doorashooyinka isasaaran ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada ayaa lagu wadaa in ay Gobaladda Waqooyi ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More