Hogaamiye Biixi: Waxan arkayay jabhad Jabuuti kasoo dhex hanjabaysa, halka kamaan filayn

 
Sabti,  Juun, 29, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhad uu sheegay in ay isku urursanayso guddaha dalka Jabuuti.
Muuse Biixi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Gobaladda Waqooyi kamid ah ay Jabuuti hoy u noqoto, isaga oo ku tilmaamay wax lala yaabo.
“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Biixi.
Waxa uu sheegay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Gobaladda Waqooyi, isla markaana nin kii ka baxa ee mabda kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay.
Xukumadda Jabuuti ayaa aad uga cadhootay heshiiskii  Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya, heer uu Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay midi dhabarka lagaga dhuftay, halka uu wasiirkiisa maaliyadu ugu yeedhay ixtiraam daro.
Xiisada labada dhinac ayaa ku sal leh arrimo dhaqaale, iyada oo ay dowlada Jabuuti ka warwarsantahay in Dekeda Berbera ay la wareegto wax kamid ah shixnadaha Itoobiya ee hada soo mara dekedaha Jabuuti.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More