Browsing Category

Somalia

Latest | Wararka Maanta | Somali. Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo ururka Bulshada Bariga Afrika oo ka socda Nairobi

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay shir lagu horumarinayo is dhexgalka Soomaaliya iyo  bulshada ururka EAC.Xoghayaha guud ee EAC Veronica Muini Ndui Nduiva, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay EAC bishii Maarso, ka dib markii ay si rasmi ah usoo gudbisay heshiiskeeda ku biirista ururka.Galitaanka Soomaaliya ee EAC ayaa la sheegay inuu u sahlayo Soomaaliya inuu ka faa'iideysto mashaariicda kaabayaasha gobolka ee EAC, sida wadooyinka…

Dabley hubeysan oo weerartay Kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday galinkii dambe ee Shalay kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada oo ku taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Shaqaadadaan ayaa ka dhacday Kaamka barakacayaasha Shabeelle ee ku yaala xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, kadib markii halkaas oo lagu qeybinaayay hilibka Udxiyada ay weerareen dabley hubeysneyd oo doonayay iney boobaan hilibkaas la qeybinaayay.Dableyda weerarka qaaday…

Gobaladda Waqooyi oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa hay'addaha xuquuqal insaanka iyo safaaradaha uu fadhigoodu yahay Muqdisho ugu baaqday in ay ka wardoonaan dhallinyarada Muqdisho ugu xidhan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable.Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa sheegay in jindil xabsiga loogu gaystay dhallinyarada u xidhay dilka Cabdinaasir Dahable."Dhallinyaradii Xamar inagaga xidhxidhnayd ee dowlada Xamar ay mu'aamaradaysay ee nin kii dhallinyarada ahaa ee la dilay lagu…

Israaiil oo xirtay wiil yar oo dalkeeda u dhashay oo doonayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda.Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto gudaha dalka Israel iyo dalalka kale ee dibadda, isagoo ku biiraya safka ururka Daacish ee Soomaaliya.Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay'adaha amniga ee dalkaas,…

Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Xamuulka qaado.Howlgalkaan duqeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu…

Midowga Afrika oo sheegay bixitaanka ciidamada ATMIS in aysan qalqal galin doonin Soomaaliya

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni.Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya xitaa iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June."Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan,…

Xukumadda Soomaaliya oo riyo maalmeed ku tilmaamtay hadalo kasoo yeeray Wasiiro ka tirsan Itoobiya

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalo mudooyinkii dambe kasoo yeerayay wasiiro ka tirsan dowladda Itoobiya.Hadallada kasoo yeerayay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa la xariiray heshiiskii Itoobiya ay la gashay Gobaladda Waqooyi, kuwaas oo marar badan ku celceliyay in Itoobiya ay ku saxan tahay heshiiskii ay la gashay Gobaladda Waqooyi.Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku sheegay…

Waqooyi Bari oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Waqooyi Bari gacanta ku dhigeen.Askarta booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii…

Itoobiya oo sheegtay in ay Gobaladda Waqooyi aqoonsanayso

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Wasiiru-duulaha Hawlaha Guud ee Itoobiya Tarekegn Bulbulta ayaa sheegay in Itoobiya ay aqoonsandoonto Gobaladda Waqooyi.Bulbulta waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in Itoobiya ay Gobaladda Waqooyi aqoonsan doonto "Waxaan kalsooni ku qabaa in Itoobiya ay noqonayso waddanka ugu horeeya ee Gobaladda Waqooyi u aqoonsada waddan madaxbannaan" ayuu ku sheegay bartiisa X.Bulbulta waxa uu sheegay in kadib marka la gaadho heshiis rasmi ah ay Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya noqon doonaan xulufo…

Waqooyi Bari oo ku amartay dadka Itoobiyaanka ah ee Garowe ku sugan inay si degdeg uga baxaan

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii aan amarka qaadan in iyagoo xirxiran la saaridoono.“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada ku jooga sharci darrada. In badan waxaan ku dadaalnay in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More