Muqdisho (AX) — Saraakiil sarsare oo ka tirsan milatariga iyo hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo kula yeeshay madaxda mucaaradka, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Kullankan oo ka dhacay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Mohamed Hussein Roble, waxaa dhanka dowladda uga qaybgalay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Mohamed Salad, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibrahim Mohamed Mohamud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Col. Hassan Ali Nur Shuute.
Waxaa sidoo kale wada-hadallada qeyb ka ahaa siyaasiyiin ka tirsan Somali Future Council, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga, is-fahamwaaga siyaasadeed iyo waxyaabaha carqaladeyn kara xasiloonida guud ee dalka.
Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrimahan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta amnigu ay la wadaageen dhinacyada kale walaac ku aaddan dhaqdhaqaaqyo ay ku lug leeyihiin xoogag shisheeye, kuwaas oo loo arko inay khatar ku yihiin amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
Hase yeeshee, xogtu ma carabaabin magacyada dhinacyadaas shisheeye, faahfaahinta tuhunnada jira iyo caddaymo muuqda oo xoojinaya eedahaas toona.
Wada-hadalladan ayaa kusoo beegmay xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa maamulka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo xisbiyada mucaaradka, taas oo salka ku haysa wax-ka-beddelka dastuurka, muddada xil-heynta hay’adaha dastuuriga ah iyo hannaanka loo maareynayo doorashada foodda nagu soo haysa.
Golaha Somali Future Council ayaa dalbaday in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hab-raaca doorashada, iyagoo uga digay go’aannada hal dhinac ah inay sii fogeyn karaan kala qaybsanaanta daneeyayaasha siyaasadda dalka.
Kullanka dhexmaray saraakiisha amniga iyo mucaaradka ayaa loo arkaa isku day la doonayo in lagu dajiyo xaaladda laguna xoojiyo xiriirka labada dhinac, xilli dalku uu wajahayo duruufo dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin howlgalnada militari ee ka dhanka ah al-Shabab.
Ilaa hadda ma cadda in kulankaas laga gaaray go’aanno rasmi ah ama in lagu qeexay qaabkii loo wajihi lahaa wada-xaajoodyo kale oo dheeraad ah.
Dhinaca kale, xisbiga Nabad iyo Nolol oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inuu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo dhexmaray garabyada mucaaradka.
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in saraakiisha sar-sare ee ciidanku ay si gooni ah ugu booqdeen Farmaajo hoygiisa, si ay ugu gudbiyaan fariin kaga timid Madaxweyne Hassan Sheikh oo ku saabsan shirka wadatashiga qaran ee la qorsheeyay inuu Muqdisho ka qabsoomo Nov. 14–18.
“Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida waxay hoygiisa ku booqdeen Madaxweynihii 9-aad, Mohamed Abdullahi Farmaajo. Waxay u sideen farriin kaga timid Madaxweynaha xilkiisu dhammaadka yahay, Hassan Sheikh Mohamud, oo ku saabsan shirka uu iclaamiyay 14-ka ilaa 18-ka bishan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xisbigu wuxuu intaa ku daray in Farmaajo uu ka codsaday taliyeyaasha inay Madaxweynaha u gudbiyaan mowqifkiisa ah in wadatashiyada la doonayo ay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo ku saleysan kalsooni buuxda, si loo gaaro natiijo wax-ku-ool ah.
Wuxuu kaloo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhawro dadaalladii dhexdhexaadinta ee beesha caalamka, wadahadalladana laga amba-qaado halkii ay joogeen Sept. 3.
Sida bayaanka lagu xusay, Farmaajo wuxuu caddeeyay in dib-u-bilaabidda wadahadalladii hore ay sare u qaadi karto rajada laga qabo in la gaaro heshiis ay wada aqbali karaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa ku martiqaadday Somali Future Council, Nabad iyo Nolol, National Unity Forum iyo qaybaha bulshada rayidka ah shirkan socon doona muddo shan maalmood ah, kaas oo looga hadlayo qabanqaabada doorashooyinka heer federaal.
Tallaabadan dowladda ayaa timid kadib markii mucaaradku si adag u dhaleeceeyeen jadwalka doorashada ee la shaaciyay October, kaas oo dhigaya in doorashada baarlamaanka la qabto April 15, 2027, halka tan madaxweynahana loo asteeyay May 15.
Xisbiyada mucaaradka ayaa gabi ahaanba qaadacay jadwalkaas iyagoo sababeeyay inaan lagala tashan saamilayda siyaasadda, halka dowladda federaalkuna ay ku doodaysay in jadwalku uu si buuxda u waafaqsan yahay dastuurka dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.
Kullamadan kala goonida ah ee lala yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli dhinacyada siyaasaddu ay ka baaraan-degayaan ka-qaybgalka wadatashiyada soo socda iyo shuruudaha ay ku wajihi karaan.