Sanadkii 1991: Xilligii fursad qaali ah oo qaranimada lagu samatabixin karay ay isu rogtay halaag iyo baaba’
Dhammaadkii sannadkii 1990-kii iyo bilowgii 1991-kii, markii ay jabhaddii USC gudaha u gashay magaalada Muqdisho, waxay la wareegtay caasimad taagan oo ay ka buuxaan hay’ado dawladeed oo shaqeynaya, dhismayaal bilicsan, adeegyo dhaqaale iyo astaamihii muhiimka ahaa ee muujinayay jiritaanka dalka Soomaaliya.
- Advertisement -
Waxay xilligaas kooxdu joogtay marxalad kala-guur ah oo laba daran midkood horyaallay: in xukunka si hufan loola wareego iyadoo la yagleelayo nidaam ka sharaf badan kii meesha laga saaray, shacabka iyo dalkana lagu badbaadiyo; ama in loollanka awoodda loo weeciyo colaad sokeeye oo xididdada u siibta aasaaskii dowladnimada.
Si kastaba ha ahaatee, xaalku wuxuu ku dambeeyay masiibo qaran oo saamaynteedii xanuunka badnayd ilaa hadda la dareemayo. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay hay’adihii dowladda, maalkii guud ayaa boob lala beegsaday, kaabayaashii dhaqaaluhuna way dumeen, iyadoo dadka Soomaaliyeed loo geystay dilal naxariis-darro ah, barakicin qasab ah, dhac iyo tacaddiyo aad u baaxad weyn.
Waxaa meesha ka baxay kala-dambeyntii sharciga, waxaana dhaawac culus soo gaaray haybaddii iyo karaamadii qaranka Soomaaliyeed. Su’aasha aan marnaba duugoobi doonin ee taariikhdu isweydiinayso ayaase ah: Maxaa loogu dhiiran waayay in la badbaadiyo qarankii loo tartamayay in la xukumo?
Hoggaamiyayaashii awoodda doonayay waxay haysteen fursad dahabi ah oo ay ku hoggaamiyaan dalka, kuna muujiyaan inay ka wanaagsan yihiin nidaamkii ay diidanaayeen. Nasiib-darro, dagaalkii lagu magacaabay xoreynta bulshada wuxuu isku rogay colaad sokeeye oo isla shacabkii waxyeello ba’an u geysatay.
Tallaabadaasi waxay noqotay mid ka mid ah guuldarrooyinkii hoggaamineed ee ugu cuslaa ee abid soo mara taariikhda casriga ah ee dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud: Hoggaamiye horyaalla imtixaan taariikheed oo adag
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka tirsan yahay jiilkii goobjoogga u ahaa burburkii dowladnimadii Soomaaliya, isla markaana si qoto dheer u fahamsan qiimaha ay leedahay ilaalinta iyo badbaadinta qaranimada.
Waxaa la filayay inuu wax ku qaato duruustii laga dhaxlay taariikhdaas madow, isagoo xoogga saaraya dib-u-heshiisiin dhab ah, hirgelinta hay’ado dowladeed oo loo dhan yahay, iyo soo celinta kalsoonidii dadka Soomaaliyeed.
Yeelkeede, marka la eego is-maandhaafka siyaasadeed, khilaafaadka dastuuriga ah, kala irdhowga madaxda siyaasadda iyo welwelka laga qabo aayaha midnimada dalka, waxaa soo baxaysa su’aal culeyskeeda leh:
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma noqon doonaa hoggaamiyihii qaybta ka qaatay samatabixinta qaranka, mise baalasha taariikhdu waxay ku xusi doonaan madaxweyne xilligiisii ay sii wiiqantay dowladnimadii Soomaaliya?
Su’aashan ayaan lagu cabbiri karin hadallo siyaasadeed iyo ballanqaadyo qurux badan, balse waxaa lagu miisaami doonaa dhaxalka dhabta ah ee uu uga tago umadda.
Dowladnimadu ma aha kursi, awood iyo dano gaar ah
Waa lagama-maarmaan in madaxweyne kasta oo Soomaaliyeed uu garto in xilka madaxtinimadu uusan ahayn hanti gaar loo leeyahay, awood aan xad lahayn, ama fursad lagu caburiyo dadka aragti ahaan ka duwan dowladda.
Madaxtinimadu waa mas’uuliyad qaran oo aad uga weyn shakhsiga xilka haya, xisbiga uu ka tirsan yahay iyo kooxda siyaasadeed ee ku xeeran.
Waa arrin welwel xooggan dhalinaysa marka hoggaanka dalka lagu dhaleeceeyo in awooddii oo dhan lagu ururinayo gacmo kooban, in la majaxaabinayo heshiisyadii siyaasadeed ee umadda, ama dano gaar ah laga hormarinayo danta guud ee shacabka.
Sidoo kale, eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa, ku-tagri-falka hantida dadweynaha iyo la’aanta isla-xisaabtan dhab ah waa in lagu wajahaa caddaalad, daah-furnaan iyo baaritaanno madax-bannaan.
Qaran laguma dhiso cabsi-gelin, lagumana ilaaliyo kala-qeybinta dadka, kumana socdo isla-weyni iyo dano kooxeed; balse qaranimadu waxay ku taagantahay caddaalad, is-aaminaad, wadajir iyo hoggaan leh dareen waddaniyadeed.
Haybaddii Soomaaliya iyo karaamada hoggaanka dhabta ah
Dalka Soomaaliya wuxuu maanta u baahan yahay hoggaan dib u soo celiya kalsoonidii dadweynaha, karaamadii maamulnimo, iyo culeyskii uu dalku ku dhex lahaa masraxa caalamka.
Sharafta madaxtinimadu kuma xirna sawirrada lala galo hoggaamiyeyaasha shisheeye, badashada socdaallada dibadda, ama hab-maamuuska soo-dhaweynta ee shirarka caalamiga ah.
Sharafta dhabta ahi waxay ku jirtaa awoodda hoggaamiyuhu u leeyahay inuu dalkiisa mideeyo, dadkiisa daryeelo, xaqoodana ilaaliyo, isagoo difaacaya danaha guud ee qaranka oo aan ka tanaasulin go’aanka madax-bannaanida.
Madaxweyne ku guuldarreysta inuu kasbado kalsoonida shacabkiisa, aad bay ugu adag tahay inuu caalamka ka helo maqaam iyo karaamo qaran oo waarta.
Digniin kama-dambays ah: Soomaaliya uma dulqaadan karto burbur kale
In ka badan soddon sano ayay Soomaaliya la daalaa-dhacaysay burbur qoto dheer, colaado sokeeye, barakac baahsan, saboolnimo iyo hay’ado dowladeed oo aan cudud lahayn.
Jiilal dhan ayaa ku hanaqaaday waddan aysan ku arag dowladnimo dhammeystiran. Malaayiin Soomaaliyeed ah ayaa weli naawilaya nabad buuxda, caddaalad, fursado nololeed iyo mustaqbal ay ku kalsoonaan karaan.
Waa arrin xanuun badan in madaxdii looga fadhiyay dhayidda boogihii qaranka ay mararka qaar noqdaan kuwo sii hurinaya khilaafaadkii iyo kala-qeybsanaantii dadku ka daaleen.
Sanadkii 1991-kii waxaa dunsanaa dhammaan hay’adihii qaranka, hase yeeshee halista maanta taagani waa in la burburiyo kalsoonidii iyo rajadii laga qabay dib-u-dhiska qaranimada.
Haddii waayihii hore wax laga bartay, waxaa caddaan ah in duminta dowladnimadu ay tahay hawl sahlan, balse dib-u-dhiskeedu uu qaato dhowr jiil, naf badan iyo hanti aan la soo koobi karin.
Gunaanad: Taariikhdu ma ilowdo mana cafiso hoggaankii fashilma
Dalka Soomaaliya maanta uma baahna hoggaamiye ku mashquula sidii uu kursiga ugu negaan lahaa muddo dheer. Waxaa loo baahan yahay hoggaan garta in samatabixinta qaranku ay ka weyn tahay guul siyaasadeed oo uu helo shakhsi ama garab gooni ah.
Mas’uuliyadda marxaladdan adag kuma eka madaxweynaha keliya. Waxaa si wadajir ah u wadaaga hoggaanka siyaasadeed ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, iyo qof kasta oo danaysi gaar ah ka hormariya danta guud ee dalka.
Guntii iyo gabagabadii, haddii aan degdeg loogu dhaqaaqin isbeddel dhab ah oo ku qotoma wadahadal, caddaalad, heshiis qaran iyo mas’uuliyad siyaasadeed, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay dusha u ridan doonaan dhibaatada ka dhalata hoggaan-xumada.
Taariikhdu waxay si siman u diiwaangelin doontaa kuwii dumiyay Soomaaliya, kuwii helay fursadda ay ku samatabixin kareen balse dayacay, iyo cid kasta oo danahooda gaarka ah ka hor marisay jiritaanka qarankooda.
Su’aasha maanta hortaalla umadda ma aha oo keliya cidda berri hoggaamin doonta dalka. Su’aasha ka weyn waxay tahay: Soomaaliya noocee ah ayaa jiri doonta berri, yaase dusha u fariisan doona mas’uuliyadda mustaqbalkeeda?
Alla mahadleh Abdirisak Ataash